<

Home » Wararka Maanta » Muxuu ka yiri tababare Pochettino qaladaadkii uu xalay sameeyay goolhayihiisa Hugo Lloris

Muxuu ka yiri tababare Pochettino qaladaadkii uu xalay sameeyay goolhayihiisa Hugo Lloris

Tababaraha kooxda Tottenham Mauricio Pochettino ayaa amaan kala dul dhacay goolhayihiisa Hugo Lloris, waxqabadkiisa kulankii xalay ay la galeen barbardhac 2-2 ah la galeen Manchester City, inkastoo uu goolhayahaan uu sameeyay qaladaad waali ah intii ay socotay ciyaataas, waxa ayna sabab u noqotay inay laba gool uu qalad ku lahaa ay kala saxiiaan xiddigaha City ee Leroy Sane iyo Kevin de Bruyne, kuwaas usii dheereeyay City hogaanka.

Si kastaba, Spurs ayaa dib kaga soo kabsatay ciyaartaas waxa ayna goolasha ka heshay Dele Alli iyo Son Heung-Min, Pochettino ayaana sheegay ciyaarta kadib in goolhayaha kooxdiisa uu sameeyay wax wanaagsan, “ waxa uu laba kubad oo halis  ahayd ka badbaadiyay, Sergio Aguero iyo Raheem Sterling, qeybtii hore ee ciyaarta”.

“ma bedelayo go’aankeygii ahaa inuu yahay mid kamida goolhayayaasha ugu wanaagsan caalamka, mararka qaar waxaa kubada cagta ka dhaca qaladaad”.

Tottenham ayaa intii ay ciyaarta socotay waxa ay ku weysay daafacooda dhexe ee Toby Alderweireld oo dhaawac looga saaray garoonka Etihad Stadium, balse Pochettino ayaa rajo ka qaba inuusan ahayn mid halis ah dhaawaca soo gaaray laacibka heerka caalami ee dalka Belgium-ka.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/muxuu-ka-yiri-tababare-pochettino-qaladaadkii-uu-xalay-sameeyay-goolhayihiisa-hugo-lloris/">Muxuu ka yiri tababare Pochettino qaladaadkii uu xalay sameeyay goolhayihiisa Hugo Lloris</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *