<

Home » Horyaalada » Premier League » Muxuu ka yiri tababare Claudio Ranieri isbedelkii uu shaxdiisa ku sameeyay labadii kulan ee ugu danbeysay ee uu khasaaraha la kulmayay, “Aniga ayaa qaladka lahaa”

Muxuu ka yiri tababare Claudio Ranieri isbedelkii uu shaxdiisa ku sameeyay labadii kulan ee ugu danbeysay ee uu khasaaraha la kulmayay, “Aniga ayaa qaladka lahaa”

Tababaraha kooxda Leicester City Claudio Ranieri ayaa si cad u sheegay inuu qalad weyn ku lahaa labadii guul daro ee isku xigtay ee soo gaarta kooxdiisa Leicester kana tirsaneyd Horyaalka Premier League, ayna sabab u ahayd isbedelka uu ku sameeyay Line up-kiisa.

Ranieri ayaa isticmaalay shax aan looga baran labadii kulan ee lasoo dhaafay, isagoogana kala hortagay kooxda Blues shax ahayd 3-4-3, markaasoo ay guuldaro kasoo gaartay, markale ayuu bedelay shaxdii uu kala hortagay Chelsea isagoona markaan tijaabiyay 4-3-3 nidaamka ah, waxana markale khaaso hubisay kooxda Southampton oo gurigeeda ku ciyaareysay.

Macalinka Talyaaniga ah ayaa kula guuleystay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay Leicester, waxa uuna adeegsnayay shax ahayd 4-4-2.

Inkastoo ay uga maqan yihiin koobka Qaramada Afrika ciyaaryahano magacyo waa weyn, ayuu  Ranieri ka qaaday jahwareer weyn, waxa uuna marba uu ku tijaabiyaa 11 ciyaaryahan ee usoo galeysa garoonka midba mar, Dawacooyinka ayaa adeegsatay 35 ama ka badan Xilli ciyaareedkan, iyadoona laga badiyay 11 kulan 22-kii kulan ee ay ciyaartay Horyaalka Egland.

Ranieri ayaa u sheegay LCFC TV: “Waxaan doonayaa inaan dhaho qaladkii labdii kulan aniga ayaa mas’uuliyadiisa qaadaya, maxaayeelay waxaan ciyaarsiiyay nidaam ayan aqoonin, kama fikireyno wixii dhacay balse wax walba waxaan rajeynayaa inay sidii hore kusoo laabtaan”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri:- “ ciyaartii Southampton markii nagala dhaliyay laba gool waxaan bedelay shaxda, dabcan si wanaagsan ayaana u ciyaarnay, markaas wixii ka danbeeyay”.

Leicester City  ayaa kulanka soo socda la dheeli doontaa habeenka Jimcaha kooxda heerka labaad ee Derby County kulan ka tirsan FA Cup-ka, waxa uuna macalinkooda rajeeyay inuu kasoo kabsan doonaan guuldarooyinkii ugu danbeeyay.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/muxuu-ka-yiri-tababare-claudio-ranieri-isbedelkii-uu-shaxdiisa-ku-sameeyay-labadii-kulan-ee-ugu-danbeysay-ee-uu-khasaaraha-la-kulmayay-aniga-ayaa-qaladka-lahaa/">Muxuu ka yiri tababare Claudio Ranieri isbedelkii uu shaxdiisa ku sameeyay labadii kulan ee ugu danbeysay ee uu khasaaraha la kulmayay, “Aniga ayaa qaladka lahaa”</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *