<

Home » Horyaalada » Premier League » Muxuu Jose Mourinho Ka Yiri In Wayne Rooney U Dhaqaaqo Horyaalka Dalka Shiinaha.? Mise Jiraa Qorshe Lagu Celinayo?

Muxuu Jose Mourinho Ka Yiri In Wayne Rooney U Dhaqaaqo Horyaalka Dalka Shiinaha.? Mise Jiraa Qorshe Lagu Celinayo?

Jose Mourinho ayaa sheegay in uu marnaba is hor taagi doonin in Wayne Rooney u dhaqaaqo Horyaalka dalka Shiinaha.

Weeraryahanka ayaa haatan ah ninka ugu goolasha badan Manchester United ka dib markii uu dhaliyay goolkiisii 250 ee kooxda sabtidii lasoo dhaafay.

Rooney, oo 31 jir ah, ayaa labanlaabi kara mushaharkiisa haddii uu u dhaqaaqayo kooxaha ka dhisan Bariga Fog.

macalin Mourinho ayaa yiri: “Waxaan qabaa in mustaqbalka uu isaga leeyahay, halka uu doonana uu ku dhameysan doono mustaqbalkiisa.

Qaabka uu doonayo in uu u soo afjaro, habka uu doonayo in uu ku raaxeysto waa qeyb kamid ah go’aanadiisa ayuu hadalkiisa raaciyay macalinka Portugal.

“Ma jecli in aan fara geliyo go’aanada ciyaartoyda iyo wax ku saabsan nolosha mustaqbalkooda ayuu yiri Jose Mourinho.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/muxuu-jose-mourinho-ka-yiri-in-wayne-rooney-u-dhaqaaqo-horyaalka-dalka-shiinaha-mise-jiraa-qorshe-lagu-celinayo/">Muxuu Jose Mourinho Ka Yiri In Wayne Rooney U Dhaqaaqo Horyaalka Dalka Shiinaha.? Mise Jiraa Qorshe Lagu Celinayo?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *