<

Home » Falanqeyn » Mourinho Oo Xaqiijiyay In Martial Kusoo Bilaaban Doono Kulanka Man Utd vs Wigan- Yaase Ka Maqanaan Doona United Ciyaartaan?

Mourinho Oo Xaqiijiyay In Martial Kusoo Bilaaban Doono Kulanka Man Utd vs Wigan- Yaase Ka Maqanaan Doona United Ciyaartaan?

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay in Anthony Martial uu kusoo bilaaban doono kulanka axada Wigan Athletic ay ku wajahayaaan FA Cup.

Waxa uu yiri: “Tani waa ciyaartii labaad ee FA Cup waxaan doonayaa in aanu sameeyo isbedel koox ahaan aad noogu wanaagsan , ciyaaryahanka kaliya ee ka maqan kulankaan waa goolhaye De Gea kaasoo aan siinay fursad uu ku nasto ayuu yiri Mourinho.

“Waxaa ciyaari doona Romero, ,Anthony iyo dhamaan ciyaartooydeena kale ee muhiimka ah ayuu hadalkiisa ku daray Mourinho.

“Waxaan sameyn doonaa isbedel waxaa nasan doonaa qaar kamid ah ciyaartooydeenii wajahday Hull ayuu yiri Mourinho oo casbi ka muujiyay awooda kooxda Wigan.

“Waan ognahay dhib ay leeyihiin kooxaha Championship. Waxaan la ciyaarnay Wigan dhowr jeer waxay heystaan macalin iyo ciyaartooy layaab leh ayuu yiri Jose Mourinho.

“Waxa aan ka shaqeeyey kooxda sidii ay guulo ku gaari laheyd dhawr bilood, laakiin waxa la filan karaa markasta waxyaabo lama filaan ah ayuu u sheegay saxaafada Mourinho.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/mourinho-oo-xaqiijiyay-in-martial-kusoo-bilaaban-doono-kulanka-man-utd-vs-wigan-yaase-ka-maqanaan-doonaa-united-ciyaartaan/">Mourinho Oo Xaqiijiyay In Martial Kusoo Bilaaban Doono Kulanka Man Utd vs Wigan- Yaase Ka Maqanaan Doona United Ciyaartaan?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *