<

Home » Horyaalada » Premier League » Michael Ballack oo ku amaanay Tababaraha Talyaaniga shaqada wanaagsan uu ka hayo Stamford Bridge, iyo sida uu u xaliyay khilaafkii kala dhaxeeyay D.Coasta

Michael Ballack oo ku amaanay Tababaraha Talyaaniga shaqada wanaagsan uu ka hayo Stamford Bridge, iyo sida uu u xaliyay khilaafkii kala dhaxeeyay D.Coasta

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe  Chelsea Michael Ballack ayaa ku amaanay tababaraha Talyaaniga ee leyliya kooxda Blues Antonio Conte shaqada wanaagsan ee uu ka haayo Premier League-ga.

Chelsea ayaa la dhibaatootay ka hoos shaqeynta, macalinkeedii hore ee  Jose Mourinho xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, iyadoona ku dhameysatay kaalinta 10-aad ee kala sareynta PL, waxaana shaqada London, ka bedelay Antonio Conte oo hadda guulo wanaagsan la gaaraya kooxdiisa.

Conte ayaana si wacan uga soo dhalaalay xilka loo dhiibay, isagoona Chelsea ka dhigay koox haatan heysa hogaanka Horyaalka, kadib 22 –kulan oo la ciyaaray, waxa uuna 8 dhibcood oo nadiif ah ka sareysa naadiga kusoo xigta ee Arsenal.

Ballack oo ammaanayay shaqada uu ka hayo Stamford Bridge tababarihii hore ee Juventus, ayaa yiri:- “lama filaan ayey ahayd, sanadkii hore Chelsea waxay u ahayd mid aan u fiicneyn, balse wax la yaab leh malahan haddii ay Blues hogaanka u heyso horyaalka Ingiriiska, maxaa yeelay waxaa caawiyay inaysan Chelsea ciyaareynin wax Koob Yurub ah”.

Ballack, oo kula guuleystay Chelsea horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii 2009-10, isagoona sidoo kale ku amaanay Conte, habka uu u maareeyay weeraryahankiisa Diego Costa.

Costa ayaana ka mid ahayn ciyaartoyda Chelsea ee ka dhanka ahaa Leicester City, kadib markii khilaafka laga sheegay inuu soo kala dhex galiyay isaga iyo macalinkiisa, kaasoo ahaa in laacibkaan uu sheegtay dhaawac dhabarka ah inuu qabo, waxaana jiray xiiso kaga imaanayay koox ka dhisan Chinese Super League, ka hor inta aanu dib looguu soo celin, ciyraatii axada dhacday oo ay Hull City kaga adkaadeen 2-0.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/michael-ballack-oo-ku-amaanay-tababaraha-talyaaniga-shaqada-wanaagsan-uu-ka-hayo-stamford-bridge-iyo-sida-uu-u-xaliyay-khilaafkii-kala-dhaxeeyay-d-coasta/">Michael Ballack oo ku amaanay Tababaraha Talyaaniga shaqada wanaagsan uu ka hayo Stamford Bridge, iyo sida uu u xaliyay khilaafkii kala dhaxeeyay D.Coasta</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *