<

Home » Horyaalada » Premier League » Memphis Depay oo fariin udiray macalin Jose Mourinho – Muxuuse ka yiri Waxyaabihii ku dhacay Bishii ugu danbeysay ee Old Trafford?

Memphis Depay oo fariin udiray macalin Jose Mourinho – Muxuuse ka yiri Waxyaabihii ku dhacay Bishii ugu danbeysay ee Old Trafford?

MEMPHIS DEPAY ayaa qirtay in bishii ugu danbeysay ee uu ku sugnaa Manchester United ay aheyd tii ugu adkeyd laakiin waxaa uu sheegay in tababare Jose Mourinho uu yahay tababare iyo shaqsi wanaagsan.

Wiilka qaranka Holland ayaa ku biiray kooxda Lyon ee horyaalka France, laakiin Kooxda United ayaa lacagta £21million ah ku dartay iney dib ula soo saxiixan karta.

Qaar badan oo kamid ah taageerayaasha kooxda United ayaa huba in ciyaaryahankan uu ku guuleysan doono France isla markaana uu kusoo laaban doono  Old Trafford.

Isagoo la hadlayay OL TV, Depay ayaa yiri: “ Erayadii Mourinho waxaa ay ahaayeen kuwa wanaagsan. gudaha Manchester United had iyo jeer waan ka shaqeyn jiray si lamid ah sidii hore”

Isagoo ka hadlaya waxyaabihii ku dhacay bishii ugu danbeysay ayuu Depay yiri “Shaqsi ahaan, dhamaan waxyaabihii dhacay wax fudud iima aheyn, waxaan doonayay inaan ciyaaro, laakiin wax xariir xun ah ma aanan laheyn tababaraha”

“Waa tababare wanaagsan iyo shaqsi fiican, haatan waan arki doonaa sida aan uciyaaro, waxaana ay ila tahay wax wanaagsan ayuu iga sheegay aniga.”ayuu hadalkiisa ku daray Depay.

Kulankiisii koobaad ee Lyon ayuu Depay ka yiri: “waan ogahay waxaan dhaliyay gool, waxaana sameeyay caawinaad gool kale, laakiin waxaan kaloo ogahay inuu jiro hogaamiye gooldhalineed, Alexandre Lacazette. isfahan wanaagsan ayaa naga dhaxeysa dhaq dhaqaaqiisana aad ayu uwanaagsan yahay|.

Depay ayaa hadalkiisa ku daray “halkan waan ku faraxsanahay, qaab ciyaareed sare todobaadkeygii koobaad, waxaa uu ahaa mid wanaagsan waana soo laabanayaa|

Ugu danbeyn ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Depay “Haatan waxaan ka fakarayaa inaan diyaar unoqdo inaan ku bilowdo kulanka xiga, si aad ah ayaan utababaranayaa, taam ahaanshaheygana waa wanaagsan yahay si wanaagsan ayaana wax walba ku dhamaan doonaan.”

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/memphis-depay-oo-fariin-udiray-macalin-jose-mourinho-muxuuse-ka-yiri-waxyaabihii-ku-dhacay-bishii-ugu-danbeysay-ee-old-trafford/">Memphis Depay oo fariin udiray macalin Jose Mourinho – Muxuuse ka yiri Waxyaabihii ku dhacay Bishii ugu danbeysay ee Old Trafford?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *