<

Home » Horyaalada » Premier League » Maxay ahayd sababtii uu Cesc Fabregas shooga uga qaaday markii loo sheegay inuu Kabtan ka noqonayo Arsenal, ma’ahan sida aad moodo

Maxay ahayd sababtii uu Cesc Fabregas shooga uga qaaday markii loo sheegay inuu Kabtan ka noqonayo Arsenal, ma’ahan sida aad moodo

Ciyaaryahankii hore ee Arsenal hadana ka tirsan Chelsea Cesc Fabregas ayaa qirtay inuu ahaa si aad ah uga naxay, go’aankii uu tababare Arsene Wenger oo ahaa in inuu noqdo kabtanka Arsenal.

Bishii November 2008, William Gallas ayaa laga xayuubiyay xilka kabtanimada kadib markii ay si cad u eedeeyeen asxaabtiisa kooxda, isagoona ku lagu eedeeyay inuu yahay xiddig muujiya dagaal foleynimo ah.

Fabregas ayaana sheegay inuu layaabay bedelka kabtan nimada lagu sameyay Gallas, kaliya bilood oo uu ahaa kabtan, ciyaaryahanka reer Spain ayaa qirtay inuu Wenger la yaabay isaga markii loo sheegay inuu xilkaa loo dhiibayo.

“Markii ay iga dhigayeen Kabtan waxa ay ahayd xaalad adag, kaliya waxaan ahaa 21-sano jir, waxaa ii yimid tababaraha maalin kahor, inta uusan go’aansan”, Fabregas ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay Natacha Tannous on YouTube.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Haa, horay waxaan ugu soo ciyaaray afar ama shan sano, waxay igu noqotay argagax weyn, markii uu isaga ii sheegay inuu doonayo inaan kabtan ka noqodo kooxda”.

“Waan jeclaa, wow, aniga ahaan waxay ii ahayd sharaf, sida iska cad, laakiin waxaan aah mid aad u da’yar, waxaa jiray dad iga waa weyn aniga, igana khibrad badan, ma aqaan sida ay ku doorteen in ciyaaryahan da’yar ah uu noqdo kabtankooda”.

Cesc Fabregas intii uu joogay Arsenal waxa uu  u saftay 303 kulan, isagoona u dhaliyay mudadaas 57 gool, sidoo kale waxa uu kula guuleystay koobka FA Cup-ka sanadii 2005, waxa uuna booska labaad ka galay koobka kooxaha Yuru ee Champions League sanadii 2006, markaasoo ay khasaaro kala kulmeen Barcelona.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/maxay-ahayd-sababtii-uu-cesc-fabregas-shooga-uga-qaaday-markii-loo-sheegay-inuu-kabtan-ka-noqonayo-arsenal-maahan-sida-aad-moodo/">Maxay ahayd sababtii uu Cesc Fabregas shooga uga qaaday markii loo sheegay inuu Kabtan ka noqonayo Arsenal, ma’ahan sida aad moodo</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *