<

Home » Suuqa Kala Iibsiga » Marco Verratti oo doonaya inuu heshiiska u kordhiyo PSG, isagoona niyada ka dilay kooxaha Arsenal iyo Chelsea oo xiiso u qabay adeegiisa

Marco Verratti oo doonaya inuu heshiiska u kordhiyo PSG, isagoona niyada ka dilay kooxaha Arsenal iyo Chelsea oo xiiso u qabay adeegiisa

Ciyaaryahanka Paris Saint-Germain Marco Verratti, ayaa niyada ka jabiyay dhamaan kooxaha isaga xiiseynayay saxiixiisa, waxa uuna doonayaa inuu qandaraas cusub u kordhiyo kooxda milkiilaha reer carbeed, sida uu sheegay wakiilkiisa Donato Di Campli.

xiddiga khadka dhexe ee PSG ayaa si xoogan loola xiriirinaayey inuu u dhaqaaqo Chelsea iyo Arsenal, midkood  laakiin Di Campli ayaa sheegay in ciyaaryahanka uu ku kici doono xaddi weyn oo lacag ah, hadiiba ay kooxda Ligue 1 ay iska iibineyso.

Antonio Conte ayaa ku raji weynaa inuu soo qaado xiddigii ay kasoo wada shaqeeyaan qaranka Italy, markaasoo uu ahaa tababaraha xulka Talyaaniga.

Verratti ayaa ah kaliya 24-jir iyadoo Di Campli uu aaminsan yahay in laacibka heerka caalami ee dalka Italy uu sii joogi doono PSG.

“Marco waxa uu doonayaa in qandaraas cusub ku sharfo kooxdiisa ilaa 2021 ayuuna doonayaa in uu ku ixtiraamo, waxa uu rajeynayaa inuu kula guuleysto horyaalka iyo Champions League-ga”.

Verratti ayaa seegay kulankii barbaraha 1-1 ah la galeen As Monaco todobaadkii la soo dhaafay, isagoona doonayo inuu difaacdo horyaalka Ligue 1 France xilli ciyaareedkan, oo u muuqda mid lagu adkeyn karo.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ka caawiyay PSG inay kasoo gudubto wareega group-yada ee Champions League-ga markaasoo ay laba lugba barbaro la galeen Arsenal.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/marco-verratti-oo-doonaya-inuu-heshiiska-u-kordhiyo-psg-isagoona-niyada-ka-dilay-kooxaha-arsenal-iyo-chelsea-oo-xiiso-u-qabay-adeegiisa/">Marco Verratti oo doonaya inuu heshiiska u kordhiyo PSG, isagoona niyada ka dilay kooxaha Arsenal iyo Chelsea oo xiiso u qabay adeegiisa</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *