<

Home » Wararka Maanta » MAQAAL: Yaa U Wanaagsan Inuu Doorto Antoine Griezmann Kooxaha Premier League Ka Dhisan ee Arsenal, Man Utd & Chelsea?

MAQAAL: Yaa U Wanaagsan Inuu Doorto Antoine Griezmann Kooxaha Premier League Ka Dhisan ee Arsenal, Man Utd & Chelsea?

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay gashay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka kooxda Atletico Madrid, Antoine Griezmann, sida warbaahinta British maanta daabacday.

Weeraryahanka reer France ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Manchester United, laakiin Gunners ayaa dalab sax ah oo ay ku geyn karto Emirates kasoo gudbisay maanta.

25-sano jirkaan ayaa haatan ka mid ah weeraryahanada loogu doonista badan yahay suuqa .

Ninkaan kamidka ahaa sadexda ciyaaryahan eek u tartamay abaalmarinada FIFA iyo Ballon d’Or ayaa sidookale bartilmaameed u ah kooxaha ka dhisan Spain ee Barcelona iyo Real Madrid.

Manchester United iyo Jose Mourinho ayaa lala xiriirinayaa inay u dhaqaaqayaan Griezmann tan iyo markii ay lasoo saxiixdeen Paul Pogba xagaagii lasoo dhaafay.

Griezmann iyo Pogba oo kawada tirsan xulka France ayaa sanadkii lasoo dhaafay waxay wada gareen Finalka UEFA European inkastoo guul darro ay kala kulmeen xulka Portugal oo uu hogaaminayay Cristiano Ronaldo.

Griezmann ayaa sidoo kale ka caawiyay kooxdiisa haatan ee Atletico Madrid in ay gaarto finalka UEFA Champions League xilli ciyaareedkii hore – markaasoo ay ku waayeen Cristiano Ronaldo iyo Real Madrid.

xiisaha Arsenal ay u qabaan xiddigii hore ee Real Sociedad ayaa u muuqda mid joogsan kara haddii Alexis Sanchez uu saxiixo qandaraas cusub.

Xiddiga reer Chile ayaa weli kala cadeyn mustaqbalkiisa kooxda waqooyiga London ka dhisan, waxaana Wenger uu doonayaa inuu u isticmaalo bedelkiisa Griezmann.

Laakiin 25-sano jirka kooxda Dortmund Marco Reus ayaa sidoo kale loo arkaa bedelka ninka reer Chile haddii uu go’aansado inuu ka dhaqaaqo Arsenal.

Dalab lacag gaaraya  £ 85 millionay ayaa la filayaa in labada Manchester United iyo Arsenal ay la yimaadaan xagagan haddii ay doonayaan saxiixa Griezmann.

Jose Mourinho iyo Arsene Wenger ayaana mid kastaa uu si gaar ah ula socdaa xaalada suuqa oo hadda laba maalmood kaliya uu ka harsan yahay.

Arsenal ayaa damaanad qaadi doonta saxiixa weeraryahankaan haddii ay lumiyaan Sanchez laakiin xiriirka wanaagsan eek ala dhaxeeya xiddiga Manchester United Paul Pogba ayaa qorshaha dhanka kale u ridi kara.

Arsenal in ay la wareegtaa Griezmann waa bedelka macquul u ah Sanchez, waxaase laga yaabaa in heshiiskisa iyo qiimaha lagu doonayo aysan bixin Karin.

Inuu ku biiro Chelsea ama Mancester United ayaa sidookale qamaar u noqon karta weeraryahanka madaama ay kusugan yihiin kooxahaasi macalimiin adag oo laga filan karo wax walba.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/maqaal-yaa-u-wanaagsan-inuu-doorto-antoine-griezmann-kooxaha-premier-league-ka-dhisan-ee-arsenal-man-utd-chelsea/">MAQAAL: Yaa U Wanaagsan Inuu Doorto Antoine Griezmann Kooxaha Premier League Ka Dhisan ee Arsenal, Man Utd & Chelsea?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *