<

Home » Suuqa Kala Iibsiga » Manchester United oo xalkeeda weerar ku dhex aragtay Horyaalka Italy, waana weeraryahan sheegay inuu u xiisay Pogba, ka hor inta aysan lasoo wareegin Antoine Griezmann,

Manchester United oo xalkeeda weerar ku dhex aragtay Horyaalka Italy, waana weeraryahan sheegay inuu u xiisay Pogba, ka hor inta aysan lasoo wareegin Antoine Griezmann,

Manchester United ayaa eeganeysa inay lasoo wareegto, weeraryahanka kooxda Juventus Paulo Dybala, kahor inta aysan dhabar jab kala kulmin, oo qandaraas cusub u kordhin kooxdiisa Juve, iyadoona ay Man Utd u aragto xalka mudada dheer ee ugu fiican inuu xerto funaadada Ibrahimovic.

Weeraryahanka heerka caalami ee qaranka Argentina ayaa dhawaan kasoo muuqday bartilmaameedka United, baacsiga ugu jirto, iyadoo la xasuusto ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe kooxda Juventus Paul Pogba uu Old Trafford ku tagay lacag dhan £ 89million xagaagii lasoo dhaafay.

balse Zlatan Ibrahimovic, oo haatan ah 35sano jir, ayaa hogaamiya weerarka Red Devils, iyadoo Jose Mourinho lagu qasbay inuu raadiyo xal kale, kahor xilli ciyaareedka soo socda, iyadoona sidoo kale la ogsoon yahay in Antoine Griezmann bartilmaameed uu u yahay.

Si kastaba, Dybala ayaa doorbidayay inuu sii joogo kooxda inta uga harsan heshiiska uu kula jiro Marwada Duqda, balse waxaa ay warar soo baxayay ay sheegayeen in laacibkaan uu raaci doono Paul Pogba, oo uu horey u sheegay inuu aad ugu xiisay Majaajiladiisa qolka labiska, 23-sano jirkan ayeyna hadda u badan tahay inuu boorsooyinkiisa kasoo xirxirto Talyaaniga, sida uu qorayo wargeyska Italy kasoo baxa ee Calciomercato.

Dybala ayaa dhaliyay 31 gool 65 kulan oo uu u ciyaaray  Juventus tan iyo markii uu kaga soo Palermo xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, waxaana jirta aragti ah in laacibkaan uu yahay mid kamida ciyaaryahanada ugu fiican ee kubadda cagta ka xamaasha.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/manchester-united-oo-xalkeeda-weerar-ku-dhex-aragtay-horyaalka-italy-waana-weeraryahan-sheegay-inuu-u-xiisay-pogba-ka-hor-inta-aysan-lasoo-wareegin-antoine-griezmann/">Manchester United oo xalkeeda weerar ku dhex aragtay Horyaalka Italy, waana weeraryahan sheegay inuu u xiisay Pogba, ka hor inta aysan lasoo wareegin Antoine Griezmann,</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *