<

Home » Horyaalada » Premier League » Manchester United oo Wadahadal Deg Deg ah La Furtay Daafaca Everton Seamus Coleman & Mourinho oo Saxiix Lama Filaan ah ku dhawaaqaya 11 Saac ee suuqa ka Harsan

Manchester United oo Wadahadal Deg Deg ah La Furtay Daafaca Everton Seamus Coleman & Mourinho oo Saxiix Lama Filaan ah ku dhawaaqaya 11 Saac ee suuqa ka Harsan

MANCHESTER UNITED ayaa ka fiirsaneysa inay lasoo wareegto 11-ka saac ee kaga harsan suuqa kala iibisga ciyaartooyda daafaca midig ee kooxda Everton Seamus Coleman.

Jose Mourinho ayaa doonaya inuu dhiso daafaca midig ee kooxdisia oo aan saldhigan tan iyo markii uu ka fariistay ciyaaraha Gary Neville.

xiddiga garabka ka ciyaara ee Antonio Valencia ayaa maalmihii lasoo dhaafay si joogto ah loogu buuxinayay daafaca midig ee kooxda Manchester United, laakiin Jose ayaa diyaar u ah inuu sameeyo saxiix waali ah inta ka harsan suuqa.

Si kastaba ha ahaatee, Special One ayaa hadda doonaya magaca xiddig buuxin kara booskii uu beneeyay Gary Neville., iyadoo xiddiga Everton Coleman bartilmaameed xoogan uu u yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Coleman ayaa sheegay in dhawaan inuu maqlay wax ku saabsan dalab ay kasoo gudbisay United, isagoo yiri: “Waxaa la joogaa waqtigii aan isbedel sameyn lahaa.

Jose Mourinho ayaa doonaya inuu ka dhigo saxiix lama filaan ah ciyaaryahankaan saacadaha kooban ee ka haray suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/manchester-united-oo-wadahadal-deg-deg-ah-la-furtay-daafaca-everton-seamus-coleman-mourinho-oo-saxiix-lama-filaan-ah-ku-dhawaaqaya-11-saac-ee-suuqa-ka-harsan/">Manchester United oo Wadahadal Deg Deg ah La Furtay Daafaca Everton Seamus Coleman & Mourinho oo Saxiix Lama Filaan ah ku dhawaaqaya 11 Saac ee suuqa ka Harsan</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *