<

Home » Horyaalada » Premier League » Man United oo gaartay Fiinaalka League Cup-ka Inkastoo ay guuldaro kala kulmeen Hull & Pogba oo bad baadiyay Waayihii Jose

Man United oo gaartay Fiinaalka League Cup-ka Inkastoo ay guuldaro kala kulmeen Hull & Pogba oo bad baadiyay Waayihii Jose

Kooxda Man United ayaa iska xaadirisay Fiinaalka League Cup-ka inkastoo ay guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Hull City.

Wiilasha macalin Mourinho ayaa kulankii hore ee Old Trafford kusoo badiyay 2-0, laakiin markii ay Hull City booqdeen ayaa looga badiyay 2-1 taas oo ka dhigeysa in isku cel celis ahaan ay kusoo baxeen 2-3.

GOAL! HULL 1-0 MAN UTD  (Huddlestone, 35 Rigoore)

Rojo ayaa qalad ku galay Maguire xerada ganaaxa taas oo keentay in garsooraha uu rigoore dhigo, waxaana dhaliyay qadka dhexe ee Tom Huddlestone , ciyaartana ka dhigay 1-0!

Kooxda Man United ayaa ku dadaashay iney hesho goolkii bar bardhaca, waxaana ay sigtay goosha laakiin waxaa lagu kala naystay 1-0

GOAL! HULL 1-1 MAN UTD (AGG 1-3) (Pogba, 66)

Kooxda  Hull ayaa niyada laga dilaym Man United ayaana heshay goolka bar bardhaca. Ibrahimovic ayaa kubada la raadiyay Rashford, waxaase isku dayay inuu difaaco Huddlestone kubadii uu iska bixiyay ayaase utagtay Paul Pogba, kaas oo shuud xoogan meel dhinac ah goosha ka dhigay.

hnqptza8qkwhluvbqtgb_celeb 

Kooxda United ayaa halkeeda ka waday weerarka waxaana birta kubad ku dhuftay Lingard, halka Pogba iyo Zlatan ay sidoo kale fursado halis ahaa heleen, sidoo kale weeraryahanka  Niasse ayaa United kaga naxsan lahaa gool halis ah kadib kubad qurux badan oo birta kaga dhacday.

GOAL! HULL 2-1 MAN UTD (AGG 2-3)  (Niasse, 85)

Alla muxuu gool ahaa! Waxaa uu ahaa jawaab qatar ah oo ay Hull City bixisay, saxiixa cusub  Markovic ayaa baas qurux badan la raadiyay Meyler , kadiban waxaa uu dhanka midig ka keenay karoos halis ahaa waxaana ay utagtay Oumar Niasse kaas oo si qurux badan goolka udhaliyay ciyaartana ka dhigay 2-1!

Si kastaba ciiyaarta ayaa soo dhamaatay iyadoo Manchester United ay ugudbtay Fiinaalka koobkan, waxaana ay la ciyaari doontaa kooxda Southampton oo xalay kasoo badisay naadiga Liverpool

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/man-united-oo-gaartay-fiinaalka-league-cup-ka-inkastoo-ay-guuldaro-kala-kulmeen-hull-pogba-oo-bad-baadiyay-waayihii-jose/">Man United oo gaartay Fiinaalka League Cup-ka Inkastoo ay guuldaro kala kulmeen Hull & Pogba oo bad baadiyay Waayihii Jose</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *