<

Home » Horyaalada » Premier League » Man City oo xalkeeda daafaca dhexe ku dhex aragtay isla gudaha Egland mana ahan Virgil van Dijk

Man City oo xalkeeda daafaca dhexe ku dhex aragtay isla gudaha Egland mana ahan Virgil van Dijk

Kooxda Manchester City ayaa xiiseyneysa daafaca naadiga Burnley ee Michael Keane inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga bishan Janaayo, sida aynu kasoo xiganay Majalada The Sun.

Waxaana sidoo kale lasoo wariyay in daafaca Qaranka Ingiriiska kooxaha Everton iyo Leicester City oo sidoo kale daneynaya inay keenaan garoomadooda laacibkan 24-sano jirka ah.

Wararka ayaa sidoo kale intaa ku daraya in kooxda City ay xiiseyneyso daafaca Sunderland Lamine Kone iyo kan Southampton Virgil van Dijk, inkastoo daafaca Sants uu u muuqdo mid ay kooxdiisa ceshaneyso sida uu aaminsan yahay Wargeyska The Sun.

Ronald Koeman tababaraha Evertoon ayaa kal hore sheegay inuu jeclaan lahaa inuu inay kooxdiisa Toffees soo xera galiso daafacan dhexe ee aadka loo qimeyo.

The Sun, ayaa sidoo kale tilmaamaya in daafacii hore ee Manchester United ay kooxdiisa Burnley ku qiimeyso aduun lacageed gaaraya  £20 milyan.

Leicester City ayaa sidoo kale aaminsan in Keane uu ku haboon yahay maadaama ay Dawacooyinka la tacaaleyso inay sii joogto horyaalka Heerka Kowaad, iyadoona ay hadda xaalad aan wanaagsaneyn ku jirta, una baahan in la badbaadiyo kooxda, inkastoo ay xilli ciyaareedkii hore ay ku guuleysatay Horyaalka Premier League-ga.

Waxa ayna u muuqataa in labada kooxood ee Everton iyo Leicester looga adkaan karo, maadaama ay Man City adeegsan karto lacago waali ah, si ay u hesho adeega laacibka qaranka Egland ee Michael Keane.

Burnley ayaa ku  jirta kaalinta 12aad ee horyaalka Premier League xilligan iyadoona leh 26 dhibcood 21 kulan oo la ciyaaray.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/man-city-oo-xalkeeda-daafaca-dhexe-ku-dhex-aragtay-isla-gudaha-egland-mana-ahan-virgil-van-dijk/">Man City oo xalkeeda daafaca dhexe ku dhex aragtay isla gudaha Egland mana ahan Virgil van Dijk</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *