<

Home » Suuqa Kala Iibsiga » Liverpool oo dalab aad u sareeya ka gudbineysa Aubameyang, si uu bedel ugu noqdo Sturridge, kooxahee ayaase ku jira tartanka laacibkaan

Liverpool oo dalab aad u sareeya ka gudbineysa Aubameyang, si uu bedel ugu noqdo Sturridge, kooxahee ayaase ku jira tartanka laacibkaan

Kooxda Liverpool ayaa aad u dooneysa saxiixa, Pierre-Emerick Aubameyang, si ay bedel uga dhigto weeraryahankeeda Daniel Sturridge, oo aan qaab ciyaareed wanaagsan lahayn, sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya Ingiriiska.

Tababare Jurgen Klopp ayaa lasoo shaqeeyay, superstar-ka Gabon xilligii uu maamulaha u ahaa Borussia Dortmund, isagoona hadda rajeynaya inay ku midoobaan kooxda Liverpool.

Si kastaba, wargeyska Mirror, ayaa sheegaya in Reds, ay dagaal xoogan la gali doonto, kooxaha  Real Madrid, Chelsea iyo Arsenal, oo iyagana xiiseynaya saxiixa Aubameyang.

Agaasimaha dhanka ciyaaraha ee Dortmund, Hans-Joachim Watzke, ayaa sheegay in laacibka kooxdooda ay ku fasaxayaan kaliya haddii gacanta laga saaro  £60million.

Liverpool ayaa ubaahan weeraryahan cusub, maadaama Sturridge, uusan ahayn xiddig leysku halleyn karo ciyaartiisa, iyadooa shaki uu ku jiro mustaqbalkiisa kooxda Reds.

Sturridge, ayey ku adkaatay xilli ciyaareedkaan, Premier League-ga isagoona kaliya u dhaliyay laba goo loo horyaalka ah, waxa uuna wadar ahaan dhaliyay lix gool xilli ciyaareedkan.

Klopp ayaana ku qancin ciyaarta uu soo bandhigo Sturridge, isagoona inta badan kursiga keydka ah dhiga.

Aubameyang, ayaa ah mdi kamida weeraryahanada ugu fiican Yurub, isagoona dhaliya xilli ciyaareedkaan 20 gool, akdib 23 kulan oo uu u saftay Dortmund, sidoo kalana waxa uu caawiyay ilaa iyo Afar gool.

Caqabada ugu weyn ee hortaan Liverpool ayaa ah Real Madrid, iyadoo uu horay u sheegay Aubameyang inuu jeclaan lahaa inuu xerto mar uun Finaadada Los Balangos.

 

 

 

 

 

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/liverpool-oo-dalab-aad-u-sareeya-ka-gudbineysa-aubameyang-si-uu-bedel-ugu-noqdo-sturridge-kooxahee-ayaase-ku-jira-tartanka-laacibkaan/">Liverpool oo dalab aad u sareeya ka gudbineysa Aubameyang, si uu bedel ugu noqdo Sturridge, kooxahee ayaase ku jira tartanka laacibkaan</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *