<

Home » Horyaalada » Premier League » Liverpool & Chelsea oo dhibcaha qeybsaday, D.Luiz oo halis geliyay Klopp, Wijnaldum oo bad baadiyay, Costa oo qasaariyay Conte &Chelsea oo 9 dhibcood hogaanka ku qabatay

Liverpool & Chelsea oo dhibcaha qeybsaday, D.Luiz oo halis geliyay Klopp, Wijnaldum oo bad baadiyay, Costa oo qasaariyay Conte &Chelsea oo 9 dhibcood hogaanka ku qabatay

Kooxda Chelsea ayaa bar bardhac 1-1 ah la dhaafi weysay naadiga Liverpool kadib kulan xiiso badnaa oo ka dhacay garoonka Anfeild.

Wiilasha macalin Klopp ayaa neefta ay kasoo fuqday kadib markii ay qeybtii danbe ee ciyaarta heleen goolka bar bardhaca ah xili David Luiz uu gool cajiib ahaa ka dhaliyay qeybtii hore.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dar dar leh iyadoo kooxda Liverpool ay isku dayaysay koontaroolka ciyaarta ilaa daqiiqadii ugu danbeysay.

Daqiiqadii 12-aad ee ciyaarta kooxda Liverpool ayaa weerarkii ugu horeysay ku qaaday goosha Chelsea, Coutinho ayaa kubad wanaagsan la ciyaaray daafaca Chelsea, waxaana ay kubada utagtay Wijnaldum, kaas oo awoodiisa ku tijaabiyay goosha laakiin goolhaye Courtois ayaa bad baadin cajiib ah ka sameeyay.

banner-liverpool-final

GOAL!! LIVERPOOL 0-1 CHELSEA (Luiz, 24)

WAAW!! Willian ayaa doonayay inuu rido laadkii xorta ahaa ee Chelsea, laakiin David Luiz oo l isdhahayay wuu waabin doonaa ayaa si lama filaan ah kubada ku gamay waxaana uu si qurux badan udaba mariyay goolhaye Mignolet. Miyuu garsoore Clattenburg siiriga yeeriyay? mise  Mignolet ayaa jiifay? si walbaba arintaas Chelsea waxba kama gelin iyaga ayaana hogaanka qabtay.

promo310163240

Daqiiqadii 28-aad!! Chelsea ayaa ku dhawaatay iney dhaliso goolkeedii labaad kadib markii laad xor ah looga dhigay meel goosha ujirta 35 yard,  Willian ayaa soo qaaday….Luiz iyo Matic ayaana si isku mid ah goosha u aadiyay, lakiin goolhayaha Liverpool ayaa si cajiib ah ubad baadiyay fursadaas.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 oo a hogaanka ku haysay kooxda Chelsea, iyadoo arintaas ay aad uga niyad jabsanaayeen taageerayaasha Anfield.

WAAW!!!. Liverpool ayaa iska qasaarisay mid kamid ah fursadihii ugu wanaagsanaa ee ciyaarta,  Clyne ayaa kubad wanaagsan ufuray Firmino, xidigan ayaana isaga oo goosha waxba aysan ka jirin hawada marsiiyay kubada. Maxey fursad aheyd

promo310165771

GOAL!! LIVERPOOL 1-1 CHELSEA (Wijnaldum, 57)

WAA UBAAHNEYD Liverpool. Milner ayaa madaxa la helay kubada waxaana uu udhigay Wijnaldum kaas oo madaxa ku dhaliyay goolkaas, kaas oo ciyaarta wax weyn ka badalay, ciyaarta ayaana noqotay 1-1, kana farxisay taageerayaasha iyo macalinka kooxda.

promo310166280

RIGOORE MAYA MA NOQON! Moses iyo Milner ayaa ku dagaalamay xerada ganaaxa, Moses ayaana umuuqday inuu gadaal ka riixay Milner, laakiin garsooraha ayaa iclaamiyay in ciyaarta ay sii socoto.

CHELSEA AYAA RIGOORE LOO DHIGAY: Kooxda Chelsea ayaa loo dhigay rigoore kadib markii weeraryahanka D. Costa lagu dhex jalaafeeyay xerada ganaaxa.

WUU QASAARIYAY: D.Costa oo ahaa ciyaaryahankii lagu galay rigoorada ayaa qaatay kubada si uu kooxdiisa hogaanka ugu soo celiyo, laakiin goolhaye Mignolet ayaa bad baadin cajiib ah ka sameeyay, ciyaarta ayaana sii aheyd 1-1

FURSAD!!! Kante ayaa kubad soo xoogay, waxaana uu meel wanaagsan udhigay Pedro, laakiin xidigan qaranka Spain ayaa nasiib daro meel udhow birta marsiiyay kubada.

FURSAD KALE:!! Liverpool ayaa daqiiqadii ugu danbeysay ku dhawaatay iney ciqaabto Chelsea, Firmino ayaa kubad qurux badan udhiibay Mane, laakiin kubadaas oo aheyd mid halis ah ayaa waxaa bad baadiyay goolhaye Courtois.

Ciyaarta ayaa ugu danbeyn kusoo dhamaatay 1-1, iyadoo kooxda Liverpool ay sedex kulan oo xariir ah kadib dhibic ku heshay garoonkeeda.

Chelsea ayaa dhanka kale udabaal degtay bar bardhacaan, maadaama kooxda Arsenal ay dhibco lumisay kulankii ay la ciyaarayeen Watford.

Wiilasha macalin Conte ayaa haatan sagaal dhibcood oo nadiif ah ku haysa hogaanka horyaalka Ingiriisska, waxaana ay leedahay 56 dhibcood, halka kooxda kusoo xigta ee Tottenham oo caawa bar bardhac la gashay Sunderland ay leedahay 47 dhibcood, waxey isku dhibco yihiin Arsenal halka Liverpool ay ku jirto kaallinta afaraad.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/liverpool-chelsea-oo-dhibcaha-qeybsaday-d-luiz-oo-halis-geliyay-klopp-wijnaldum-oo-bad-baadiyay-costa-oo-qasaariyay-conte-chelsea-oo-9-dhibcood-hogaanka-ku-qabatay/">Liverpool & Chelsea oo dhibcaha qeybsaday, D.Luiz oo halis geliyay Klopp, Wijnaldum oo bad baadiyay, Costa oo qasaariyay Conte &Chelsea oo 9 dhibcood hogaanka ku qabatay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *