<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » Lional Messi oo jabiyay rikoor cusub, iyo rikoor kale oo laga diiwaan galiyay ciyaartii ay xalay Barcelona ka adkaatay Atletico Bilbao

Lional Messi oo jabiyay rikoor cusub, iyo rikoor kale oo laga diiwaan galiyay ciyaartii ay xalay Barcelona ka adkaatay Atletico Bilbao

Mucjisada Barcelona Lional Messi ayaa xalay sameeyay rikoor kale kadib markii uu dhaliyay goolkii Free Kick-ga ahaa, kulankii ay kaga adkaadeen Atlatico Bilbao 3_0.

Messi ayaa lamid noqday Ronald Koeman, oo ahaa ciyaaryahan horay usoo maray Bacelona, waxa uuna dhaliyay goolkiisii 26-aad ee laad xur ah, xilli ay Barca ay ku hogaamineysay ciyaarta 1-0, kaasoo dhaliyay Paco Alcacer.

Ninka heysta shanta jeer Ballon d’Or ee Messi ayaa waxa uu ka dhaliyay Bilbao laad xur ah, kadib markii uu kasoo tuuray dhanka midig ee koornada.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee qaranka Argantinia ayaa waxa uu hadda ku dhaw yahay laacibkii horay usoo maray Bulugrana ee lagu magacaabo Gorka Iraizoz, kaasoo u dhaliyay Barcelona 27 free kick.

Tababaraha Evertoon ayaa ugu soo hambalyeeyay baraha bulshada Messi, kadib markii uu ka jabiyay rikoorkii u yaalay kooxda Barcelona.

Sidoo kale waxaa ka dhacay ciyaartaas rikoor kale kadib markii ay Barcelona ka dhisay goolkii 100-aad, ee xilli ciyaareedkan, waxaana u saxiixay Aleix Vidal oo isna diiwaan gashaday goolkiisii 3-aad ee kooxdiisa Barcelona.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/lional-messi-oo-jabiyay-rikoor-cusub-iyo-rikoor-kale-oo-laga-diiwaan-galiyay-ciyaartii-ay-xalay-barcelona-ka-adkaatay-atletico-bilbao/">Lional Messi oo jabiyay rikoor cusub, iyo rikoor kale oo laga diiwaan galiyay ciyaartii ay xalay Barcelona ka adkaatay Atletico Bilbao</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *