<

Home » Horyaalada » Premier League » LA OGAADAY: Ciyaartooyda Manchester United Oo Mushahar Dhimis Wajihi Doona Haddii Sanadkaaan Ay Seegaan Tartanka Champions League

LA OGAADAY: Ciyaartooyda Manchester United Oo Mushahar Dhimis Wajihi Doona Haddii Sanadkaaan Ay Seegaan Tartanka Champions League

xiddigaha Manchester United ayaa wajihaya cadaadis dhanka mushahar dhimis ah haddii ay usoo bixi waayaan tartanka Champions League mar kale xilli ciyaareedka soo socda.

heshiisyada ay ku yimaadeen Old Trafford ciyaartooyda qaar ayaa boqolkiiba 25 la dhimi doonaa, haddii aanay usoo bixin tartan Koobka Kooxaha Yurub kooxda Manchester United.

Taas macnaheedu waxay tahay in xiddigaha Louis van Gaal xilli ciyaareedkii hore uu hogaamiyay in ay wajihi doonaan cadaadis badan.

laakiin Jose Mourinho ciyartooyda uu lasoo wareegay ee Zlatan Ibrahimovic iyo Paul Pogba, ayaanay wax sameyn ah ku yeelan doonin arintaan.

Pogba, ayaa lacagta rikoorka dunida ugu qaalisan ugu biiray kooxda Manchester United markii adduunka £ 89million uu kaga soo dhaqaaqay Juventus waxaana isbiicii uu mushaar ahaan u qaataa £ 290,000 halka Ibrahimovic uu qaato £ 220,000.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/la-ohaaday-ciyaartooyda-manchester-united-oo-mushahar-dhimis-wajihi-doona-haddii-sanadkaaan-ay-seegaan-tartanka-champions-league/">LA OGAADAY: Ciyaartooyda Manchester United Oo Mushahar Dhimis Wajihi Doona Haddii Sanadkaaan Ay Seegaan Tartanka Champions League</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *