<

Home » Suuqa Kala Iibsiga » LA OGAADAY: Manchester United oo ay qasab tahay inay lasoo wareegto ilaa shan daafac inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga bishan Janaayo

LA OGAADAY: Manchester United oo ay qasab tahay inay lasoo wareegto ilaa shan daafac inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga bishan Janaayo

 

Manchester United ayaa lagu wadaa inay lasoo saxiixato , tiro daafacyo ah oo gaaraya ilaa shan daafac kuwaas oo ay u aragto inay yihiin xalka waqtiga dheer ee daafacooda, daafaca qalbada dhexe ayaa waxaa kali ku ah Phil Jones iyo Marcos Rojo, halka daafacyada garbahana ay ka ciyaaraan Mattio Darmian iyo Luke Shaw, Morinho ayaana doonaya inuu Old Trafford kusoo biiriyo daafacyo tayo leh, waxaana ugu horeeya:

1)Victor Lindelof: Man United ayaa u aragta daafacan yare e awooda buuxa leh, bedelka fog ee halyeyga Red Devils Nemanja Vidic, kooxda Morinho ayaana lala xiriirinayay inay lasoo wareegi doonaan daafcan heerka caalami ee qaranka Sweden.

2)Kastos Manolas: waa mid kamida daafacyada dhexe ee ugu fiican horyaalka Serei A-da, waxa uuna ka tirsan yahay kooxda AS Roma, Manolas ayaa ah 23 jir isagoona hadda bartilmaameed u ah kooxda United in mudo ah, waxa ayna u arkaan mid ku haboon qalbada daafaca dhexe ee kooxda Morinho Manchester United oo ay qasab tahay inay lasoo wareegto ilaa shan daafac inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga bishan Janaayo.

3)Benjamin Mendy: waxa uu ka tirsan yahay kooxda AS Manoco, Mendy ayaana awood u leh inuu ka ciyaaro daafaca dhexe iyo sidoo kale dadabka bidix ee daafaca, isagoona u saftay kooxda Ligue 1 ka dhissan dhamaan kulamada ay ciyaareyso, waana 22-sano jir booska ka badali kara haddii loo baahdo Shaw iyo Darmian oo haatan booskaas ku tartama.

4)Nelson Semedo: waxa uu ka ciyaaraa daafaca midig, waana ciyaaryahan awood u leh inuu si wanaagsan u daafactamo si’ lamida ahna uu ka qeyb qaato weerarka kooxda, isagoona caawin kara weeararyahanada, inkastoo ay United heysato booskaas laacib si wanaagsan ugu dheela, hadane waxa ay u aragtaa Semedo bedelka fog ee Antonmio Valencia oo ku jira da’da 30-ka sano.

5)Rick Karsdrop: Manchester United ayaana ugu danbeyn dooneysa inay lasoo wareegto inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga bishan Janaayo, waxa ayna rejyneysaa in Karsdrop ay lasoo wareegto, kaasoo oo ka tirsan kooxda Feyenoord, United ayaa ku aragatay tayada xiddigaan mar ay ku kulmeen heerka Group-yada ee koobka Europa League-ga

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/la-ogaaday-manchester-united-oo-ay-qasab-tahay-inay-lasoo-wareegto-ilaa-shan-daafac-inta-uu-furan-yahay-suuqa-kala-iibsiga-bishan-janaayo/">LA OGAADAY: Manchester United oo ay qasab tahay inay lasoo wareegto ilaa shan daafac inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga bishan Janaayo</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *