<

Home » Suuqa Kala Iibsiga » LA OGAADAY:- Arsenal oo soo wadata ciyaaryahan xalin kara dhanka weerarka oo ay ku dhibaneyd, kuna darso waxaa lagu naaneysaa New Henry

LA OGAADAY:- Arsenal oo soo wadata ciyaaryahan xalin kara dhanka weerarka oo ay ku dhibaneyd, kuna darso waxaa lagu naaneysaa New Henry

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa si dhaw ula socoda hour marka uu sameynayo ciyaaryahanka kooxda Monaco, isagoona aaminsan inuu raaci karo wadadii halyey Gunners horay usoo maray.

Arsene Wenger indhaha la raacaya da’da yarka AS Monaco ninka lagu magaaco Kylian Mbappe, isagoo la barbardhigay inuu noqon doono weeraryahankii hore ee Arsenal ee Thierry Henry.

18-sano jirkaan ayaa loo arkaa inuu mustaqbal fiican ku leeyahay kubada cagata Europe, isagoona Monaco u dhaliyay 2015-16, goolal fiican waxa uuna magaciisu la sinmay Henry oo labaduba wada galay buugaagta rikoorada.

“Mbappe waa sida Henry, waxaa laga yaabaa inuu yahay dooq saxan, laakiin waa run waxa uu leeyahay tayo la mid ah tan Henry ” ayuu tababare Wenger u sheegay beIN Sports.

“Haa dabcan si dhaw ayaa ula soconaa isaga, si wanaagsan ayaana u garaneyna isaga”.

Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu raaciyay:- “Waxa uu sameynayaa horumar fiican, waxaan u maleynayaa inuu heshiiska u kordhiyay Monaco xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, sidaas darteed Monaco ayaa go’aan ka gaari doonto mustaqbalkiisa”. Ayuu kusoo koobay Wenger hadalkiisa.

Mbappe ayaa dhaliyay todobo gool 21 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan kooxdiisa AS Monaco.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/la-ogaaday-arsenal-oo-soo-wadata-ciyaaryahan-xalin-kara-dhanka-weerarka-oo-ay-ku-dhibaneyd-kuna-darso-waxaa-lagu-naaneysaa-new-henry/">LA OGAADAY:- Arsenal oo soo wadata ciyaaryahan xalin kara dhanka weerarka oo ay ku dhibaneyd, kuna darso waxaa lagu naaneysaa New Henry</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *