<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » LA OGAA: Laba Sabab oo ku Qasabtay Philippe Coutinho Inuu Iska Diido Barcelona & Madrid Siina Joogo Liverpool

LA OGAA: Laba Sabab oo ku Qasabtay Philippe Coutinho Inuu Iska Diido Barcelona & Madrid Siina Joogo Liverpool

Philippe Coutinho ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu ka dhigo taariikh kooxda Liverpool kadib markii uu dheereeyay heshiiska uu kula joogo kooxda ku ciyarata Anfield.

Kubad sameeyaha reer Brazil, oo 24 jir ah, ayaa Isbuucii lasoo dhaafay mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Reds, oo uu ka qaadan doono isbuucii mushaar dhan £ 150,000.

Taas ayaa ka dhigan in Coutinho uu noqdo ciyaaryahanka ugu mushaarka badan taariikhda kooxda Anfield oo uu kusugnaan doono ilaa 2022.

Xiddigana ayaa iska diiday dalabyo qaali ahaa oo kaga imaanayay kooxaha ka dhisan dalka Spain ee Barcelona iyo Real Madrid kuwaasoo u arkayay dooq ku haboon shaxdooda Coutinho.

Barcelona ayaa horay u bilaawday wadahadalo ay ku dooneysay xiddiga Coutinho laakiin ugu dambeyn wuxuu qaatay go’aan uu kusii joogayo kooxdisa.

xiddiga reer Brazil – ayaa hadda shaaca ka qaaday in sababta ku qasabtay joogitaanka Liverpool ay tahay inuu dareemayo sare u kac weyn oo ay sameyneyso Reds.

Sidookale Philippe Coutinho ayaa sheegay in sabbata kale ee ku qasabtay heshiiska cusub ay tahay inuu halyeey ka noqdo kooxdiisa.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/la-ogaa-laba-sabab-oo-ku-qasabtay-philippe-coutinho-inuu-iska-diido-barcelona-madrid-siina-joogo-liverpool/">LA OGAA: Laba Sabab oo ku Qasabtay Philippe Coutinho Inuu Iska Diido Barcelona & Madrid Siina Joogo Liverpool</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *