<

Home » Falanqeyn » Kulanka Hull, In Martial u Dagaalamo Booskiisa, Inuu Heysto Shan Xiddig oo Hal Boos ka ciyaarta & Arimihii kale ee uu ka Hadlay Jose Mourinho

Kulanka Hull, In Martial u Dagaalamo Booskiisa, Inuu Heysto Shan Xiddig oo Hal Boos ka ciyaarta & Arimihii kale ee uu ka Hadlay Jose Mourinho

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa u sheegay Anthony Martial inuu hagaajiyo qaab ciyaareedkiisa ka dib markii uu ku guul darreysatay inuu fursado badan ka sameeyo kooxda koowaad.

Martial, oo 21 jir ah, ayaa dhaliyay labo gool oo kaliya sagaalkii kulan ee Premier League uu ka ciyaaray xilli ciyaareedkan, isagoo sameynaya Olole ka liita kiisii 2015-16.

Mourinho ayaa sheegay in xiddiga heerka caalami ee dalka France looga baahan yahay inuu sameeyo fursado oo kusii ahaan karo kooxda mid muhiim ka ah.

“Uma maleynayo inuusan dadaal kujirin isaga. Waxaan qabaa inuu wax badan sameyn karo,” ayuu u sheegay wargeysyada kasoo baxa UK.

'He hasn't taken his chances' - Mourinho tells Martial to fight for his Man Utd place

“Waxaan heysanaa shan ciyaaryahan ooh al boos ka ciyaari kara sida Marcus Rashford, Jesse Lingard, Juan Mata, Henrikh Mkhitaryan iyo Martial marka waa inuu dadaal badan sameeyo si uu booskiisa ugu dagaalamo.

“Markii aan u heysto shan ciyaaryahan laba boos , waa inana ku fakiro bandhiga ciyaaryahanka. Mararka qaarkood shaqsi lama filaan ah taasna waa mid fudud ayuu yiri Mourinho.

United ayaa la ciyaari doonta kooxda Hull City lugta labaad ee semi-finalka tartanka EFL Cup caawa, waxaana ay heystaan faa’iido 2-0 kulankii lugta hore.

Mourinho, oo kooxdiisa kaalinta lixaad ee Premier League fadhido, ayaa sheegay in uu dhib u arkin haddii go’aano lama filaan ah u qaato horumarka kooxdiisa.

“Waan ogahay way adag tahay inaan garaacno Hull City ayuu hadalkiisa ku daray macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/kulanka-hull-in-martial-u-dagaalamo-booskiisa-inuu-heysto-shan-xiddig-ooh-al-boos-ka-ciyaari-kara-arimihii-kale-ee-uu-ka-hadlay-macalin-jose-mourinho/">Kulanka Hull, In Martial u Dagaalamo Booskiisa, Inuu Heysto Shan Xiddig oo Hal Boos ka ciyaarta & Arimihii kale ee uu ka Hadlay Jose Mourinho</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *