<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » Kooxda Real oo guul weyn ka gaartay Sociadad, C.Ronaldo oo shabaqa soo taabtay & Real oo dheereysatay Hogaanka La Liga

Kooxda Real oo guul weyn ka gaartay Sociadad, C.Ronaldo oo shabaqa soo taabtay & Real oo dheereysatay Hogaanka La Liga

Kooxda Real Madrid ayaa sii dheereysatay hogaanka horyaalka La Liga kadib markii ay 3-0 kaga badiyeen naadiga Real Sociadad.

Kovavic, Ronaldo iyo Morata ayaa shabaqa usoo taabtay wiilasha macalin Zidane iyagoo haatan afar dhibcood oo nadiif ah kulana baaqi uyahay horyaalka ku haya.

Shaxda Real: Navas, Danilo, Ramos, Varane, Nacho, Kroos, Casemiro, Kovacic, Lucas Vazquez, Ronaldo, Benzema

Keydka: Casilla, Coentrao, Mariano, Asensio, Morata, Isco, Achraf

Shaxda Real Sociadad: Rulli, Martinez, Zaldua, Navas, Rodrigues, Illarramendi, Canales, Zurutuza, Juanmi, Willian Jose, Oyarzabal

Keydka: Tono, Elustondo, Odriozola, Granero, Prieto, Concha, Vela

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dar dar leh iyadoo kooxda Real Madrid ay heshay fursado badan oo ay goolal ku dhalin kartay

GOAL! REAL MADRID 1-0 SOCIEDAD (Kovacic, 38)

Kooxda Real Madrid ayaa hogaanka ciyaarta qabatay Ronaldo ayaana baas qurux badan udhiibay qadka dhexe ee Mateo Kovacic kaas oo isna si aan caadi aheyn udaba mariyay goolhayaha.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 iyadopo goolka kaliya ee  Kovacic lagu kala nastay, inkastoo goolal kuwaas ka badan la iska dhalin karay.

GOAL! REAL MADRID 2-0 SOCIEDAD (Ronaldo, 51)

Real ayay daqiiqadi kooban ku qaadatay iney hogaanka ciyaarta dheereysato, waxaana shabaqa usoo taabtay Cristiano Ronaldo, waxaana goolkaas ka caawiyay Kovacic.

RED CARD! Inigo Martinez ayaa ciyaarta laga saaray kadib markii uu qalad xun ku galay Casemiro, jaale ayuu horey uqabay garsooraha ayaana rooso sii siiyay, waxii 74 daqiiqo kadanbeeyay Sociadad ayaa 10 ciyaaryahan ku ciyaareysay.

GOAL! REAL MADRID 3-0 SOCIEDAD (Morata, 83)

CIyaarta ayaa hurdo loo diray, Real ayaana dhalisay goolkeedii sedexaad, Vazquez ayaa kubada kala soo orday dhanka midig waxaana uu udhiibay Alvaro Morata, kaas oo si wanaagsan udhaliyay.

Ciyaaryta ayaa ugu danbeyn kusoo dhamaatay 3-0 oo ay guusha ku raacday kooxda Real Madrid taas oo haatan afar dhibcood oo nadiif ah ka sareysa naadiga Barcelona oo bar bardhac 1-1 ah la gashay naadiga Real Betis.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/kooxda-real-oo-guul-weyn-ka-gaartay-sociadad-c-ronaldo-oo-shabaqa-soo-taabtay-real-oo-dheereysatay-hogaanka-la-liga/">Kooxda Real oo guul weyn ka gaartay Sociadad, C.Ronaldo oo shabaqa soo taabtay & Real oo dheereysatay Hogaanka La Liga</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *