<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » Kooxda Real Madrid oo kusoo laabatay Wadada Guusha kadib markii ay dirqi kaga badisay Malaga & Ramos oo labo gool dhaliyay

Kooxda Real Madrid oo kusoo laabatay Wadada Guusha kadib markii ay dirqi kaga badisay Malaga & Ramos oo labo gool dhaliyay

Kooxda Real Madrid ayaa soo gaba gabeysay labo kulan oo xariir ahaa oo laga badiyay todobaadkii hore kadib markii ay guul weyn ka gaartay naadiga Malaga.

Wiilasha Macalin Zidane ayaa goolasha guusha helay qeybtii hore ee ciyaarta iyagoo sidoo kale marar badan ku dhawaaday iney goolal kuwaas ka badan dhaliyaan, inkastoo ay dhankoodana wajahayeen dhibaatooyin weerar ah.

Waxaase dhaawac looga saaray garoonka daafaca Marcelo kaas oo daqiiqadihii hore ee ciyaarta lagu badalay Isco / Riix Halkan kasii AKhri dhaawaciisa

Goooooal! Sergio Ramos – Kooxda Real Madrid ayaa daqiiqadii 35-aad ciyaarta hogaanka uqabatay waxaana madaxa ku dhaliyay goolkaas daafaca Ramos.

Kabtan Ramos ayaa karoos fiican ka helay Kroos, waxaana uu si fudud udhaliyay goolkaas isagoo ciyaarta ka dhigay 1-0

1484987410_653054_1485015130_noticia_normal

Kooxda Real Madrid ayaa halkeeda kasii waday weerarka ay ku haysay goosha kooxda Malaga, inkastoo C.Ronaldo uusan si weyn garoonka uga dhex muuqan.

Sergio Ramos ayaa dhaliyay gool, laakiin calanwadaha ayaa usheegay garsooraha in goolkaas uu ahaa mid offside ah waana laga diiday.

Gooooooal! 2-0 – Hogaanka ayay sii dheereysatay Real Madrid! Ramos ayaana mar kale goolkaas udhaliyay kooxdiisa! Kroos ayaa soo qaaday laad xor ah daafacan ayaase goolhayaha Malaga dama mariyay kubad uu meel cidlo ah ka helay, ciyaarta ayaana noqotay 2-0!

Real ayay aheyd iney hesho goolkii sedexaad ee ciyaarta daqiiqadii 46-aad kadib markii C.Ronaldo uu qasaariyay fursad halis aheyd

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala baxay 2-0 oo ay hogaanka ku haysay kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid, wiilasha Zidane ayaana weerar sii ahaa bilowga qeybta danbe.

Gooooal! Hagaag kooxda Málaga ayaa xiiso uyeeshay ciiyaarta kadib markii ay daqiiqadii 64-aad hal gool soo ceshatay! Juankar ayaa kubada soo dhex dhigay banaanka goosha Real waxaana meel wanaagsan ka helay Juanpi – xidigan reer Venezuela ayaana si wanaagsan goolkaas udhaliyay.

Laakiin Daqiiqad kadib kooxda Malaga ayaa ku dhawaatay iney hesho goolka bar bardhaca ah kadib markii goolhayaha Real uu bad baadin cajiib ah ka sameeyay kubad uu helay  Castro, Wiilasha Zidane ayaana ka baxsaday in fursadaas laga dhaliyo.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday kooxda kubada cagta ee Real Madrid taas oo haatan hogaanka horyaalka ku haysa afar dhibcood oo nadiif ah inkastoo Barcelona ay habeen danbe ciyaari doonto.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/kooxda-real-madrid-oo-kusoo-laabatay-wadada-guusha-kadib-markii-ay-dirqi-kaga-badisay-malaga-ramos-oo-labo-gool-dhaliyay/">Kooxda Real Madrid oo kusoo laabatay Wadada Guusha kadib markii ay dirqi kaga badisay Malaga & Ramos oo labo gool dhaliyay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *