<

Home » Horyaalada » Premier League » Kooxda Manchester City oo Cashir udhigtay West Ham, Jesus oo akoonkiisa goolasha furtay & Wacdarihii Wiilasha Pep

Kooxda Manchester City oo Cashir udhigtay West Ham, Jesus oo akoonkiisa goolasha furtay & Wacdarihii Wiilasha Pep

Kooxda kubada cagta ee Manchester City ayaa gaartay guul weyn kadib markii ay 4-0 kaga badisay naadiga West Ham United.

Wiilasha Pep Guardiola ayaa ka yaabsaday kooxda London ka dhisan ee West Ham, waxaana ay mudo kadib ku badiyeen goolal aan caadi aheyn.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay iyadoo kooxda Man City ay weerar xoogan ku bilowday goosha naadiga West Ham oo garoonkeeda lagu ciyaarayay.

GOAL! WEST HAM 0-1 MAN CITY (De Bruyne, 17)

Goolkaan waxaa qaladkiisa lahaa daafaca Cresswell, laakiin City ayaa hogaanka uqabatay ciyiaarta, De Bruyne ayaa kubada kasoo xoogay Cresswell kadibna waxaa uu baas isku dhufasho ah la ciyaaray  Jesus. xidiga reer BRAZIL ayaana caawinaad cajiib ah ka sameeyay goolkaas.

promo310248290

GOAL! WEST HAM 0-2 MAN CITY (Silva, 21)

Mar kale City – kooxda West Ham ayaa qalad kale ay sameeyeen daafacooda, waxaase ku ciqaabay Silva oo si qurux badan goolkaas udhaliyay.

promo310248540

GOAL! WEST HAM 0-3 MAN CITY (Jesus, 39)

Qadka dhexe ee Obiang ayaa mar kale qalad sameeyay, City ayaana ciqaabtay mar kale! goolkiisii koobaad ee horyaalka Ingiriiska ayuuna dhaliyay Jesus, waxaana baas cajiib ah ka sameeyay goolkaas garabka Sterling.

promo310250225

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-0, iyadoo kooxda Man City ay iska qasaarisay fursado dahabi ahaa, halka kaliya Carroll uu hal fursad uhelay kooxdiisa kadibna uu qasaariyay.

Qeybtii danbe ee ciyaarta kooxda Man City ayaa halkeeda kasii waday weerarka ay ku haysay goosha kooxda West Ham.

RIGOORE AYAA LOO DHIGAY CITY! De Bruyne ayaa kubad qurux badan la raadiyay Sterling laakiin waxaa xerada ganaaxa ku jalaafeeyay daafaca cusub ee kooxdaas Fonte waxaana rigooradaas qaatay Toure…

GOAL! WEST HAM 0-4 MAN CITY (Toure rigoore, 67)

Goolhaye Randolph ayaa kubada raacay laakiin Toure ayaa ciyaarta ka dhigay 4-0, xiligaas waxii ka danbeeyay taageerayaasha West Ham waxaa ay bilaabeen iney garoonka baxaan.

promo310252411

MAYA GOOL MAAHAN!  Kooxda Hammers ayaa ugu danbeyn shabaqa soo taabatay laakiin nasiib daro caawiyaha ayaa taagay calanka Offside-ka waana laga diiday goolkaas Antonio.

FURSAD! ugu danbeyn goolhaye  Caballero ayaa lagu qasbay inuu bad baadin sameeyo markiisii ugu horeeyay,  Snodgrass ayaana kubad halis ah ku gamay, laakiin waa laga bad baadiyay.

RIGOORE – MAYA WAA LA DIIDAY! Taageerayaasha West Ham ayaa ku dooday in Jesus uu gacanta ku taabtay kubada laakiin garsoore  Kevin Friend ayaa diiday.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 4-0 iyadoo kooxda Manchester City ay gaartay guusheedii ugu weynd mudo kadib, waxaana ay uga mahadcelineysaa De Bruyne, Silva, Jesus iyo Yaya Toure.

City ayaa haatan ku jirta kaalinta 5-aad, waxaana ay leedahay 46-dhibcood iyadoo naadiga hogaanka haysa ee Chelsea ay ka danbeyso 10 dhibcood.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/kooxda-manchester-city-oo-cashir-udhigtay-west-ham-jesus-oo-akoonkiisa-goolasha-furtay-wacdarihii-wiilasha-pep/">Kooxda Manchester City oo Cashir udhigtay West Ham, Jesus oo akoonkiisa goolasha furtay & Wacdarihii Wiilasha Pep</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *