<

Home » Horyaalada » Premier League » Kooxda Man United oo guul dahabi ah ka gaartay Wigan, Bastian oo wacdaro dhigay, Mkhi, Smalling oo shabaqa soo taabtay & Martial oo cadeeyay awoodiisa

Kooxda Man United oo guul dahabi ah ka gaartay Wigan, Bastian oo wacdaro dhigay, Mkhi, Smalling oo shabaqa soo taabtay & Martial oo cadeeyay awoodiisa

Kooxda Man United ayaa guul weyn ka gaartay naadiga Wigan iyadoo iska xaadirisay wareega shanaad ee tartanka FA Cup-ka.

Wiilasha macalin Mourinho ayaana 4-0 kaga badisay naadiga heerka labaad iyadoo iska qasaarisay fursado kale oo ay goolal intaas ka badan ku dhalin kartay.

Mkhi, Martial, Mata iyo Rooney ayaa helay fursado badan bolowgii ciyaarta, hase ahaatee waa ay qasaariyeen.

GOAL! MAN UTD 1-0 WIGAN (Fellaini, 44)

Karoos aad uqurux badan ayaa loo keenay xidigan Fellaini waxaana uu si wanaagsan ugu dhaliyay madaxa, waxaana goolkaas caawiye ka ahaa halyayga reer Germani Schweinsteiger.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 qeybtii hore, waxaana markii dib la isugu soo laabtay ay kooxda United heshay fursado kale oo ay goolal ku dhalin kartay.

Manchester United's Belgian midfielder Marouane Fellaini (2L) celebrates with teammates after scoring his team's first goal during the English FA Cup fourth round football match between Manchester United and Wigan Athletic at Old Trafford in Manchester, north west England, on January 29, 2017. / AFP / Paul ELLIS / RESTRICTED TO EDITORIAL USE. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or 'live' services. Online in-match use limited to 75 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications.  /         (Photo credit should read PAUL ELLIS/AFP/Getty Images)

GOAL! MAN UTD 2-0 WIGAN (Smalling, 57)

United ayaa sii dheereysatay hogaanka ciyaarta kadib kubad uu si qurux badan usoo karoosay Martial oo uu madaxa la helay daafaca Smalling, ciyaarta ayaana noqotay 2-0.

MANCHESTER, ENGLAND - JANUARY 29:  Chris Smalling of Manchester United (12) scores their second goal during the Emirates FA Cup Fourth round match between Manchester United and Wigan Athletic at Old Trafford on January 29, 2017 in Manchester, England.  (Photo by Gareth Copley/Getty Images)

GOAL! MAN UTD 3-0 WIGAN (Mkhitaryan, 74)

Kooxda Manchester United ayaa si wanaagsna weerar deg deg ah usoo dhistay waxaana mar kale caawiye ka ahaa goolkaas Martial.

Mkhitaryan ayaa kubada lasoo dhex qaaday qadka dhexe waxaana uu baas cajiib ah udhiibay Martial, xidiga reer France ayaana goosha horteeda udhigay kubada waxaana Mkhitaryan uu daba mariyay goolhayaha ciyaarta ayaana noqotay 3-0

GOAL! MAN UTD 4-0 WIGAN (Schweinsteiger, 81)

Schweinsteiger ayaa goolkiisii koobaad ku dhaliyay Old Trafford, waxaana uu ahaa gool cajiib ah, kooxda Man United ayaana maamulkii ciyaarta kusoo gaba gabeysay 4-0, xataa Martial ayaa gool laga diiday dhamaadkii ciyaarta.

WAA SOO DHAMAATAY: Waqti dheeraad ah laguma darin Manchester United ayaana iska xaadirisay wareega shanaad ee FA Cup-ka

Waxaa ay goolasha uga mahadcelineysaa Marouane Fellaini, Anthony Martial oo labo caawinaad ah sameeyay goolna laga diiday  Chris Smalling, Henrikh Mkhitaryan iyo Bastian Schweinsteiger oo dhamaantood shabaqa soo taabtay.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/kooxda-man-united-oo-guul-dahabi-ah-ka-gaartay-wigan-bastian-oo-wacdaro-dhigay-mkhi-smalling-oo-shabaqa-soo-taabtay-martial-oo-cadeeyay-awoodiisa/">Kooxda Man United oo guul dahabi ah ka gaartay Wigan, Bastian oo wacdaro dhigay, Mkhi, Smalling oo shabaqa soo taabtay & Martial oo cadeeyay awoodiisa</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *