<

Home » Horyaalada » Serie A » Kooxda Juventus oo Cashir udhigtay AC Milan xili Pjanic uu gool cajiib ah udhaliyay kooxdiisa

Kooxda Juventus oo Cashir udhigtay AC Milan xili Pjanic uu gool cajiib ah udhaliyay kooxdiisa

Kooxda Juventus ayaa guul weyn ka gaartay naadiga AC Milan kadib ciyaar adag oo katirsaneyd Coppa Italy taas oo ka dhacday garoonka Juventus.

Naadiga martida loo ahaa ee Juventus ayay kaliya 10 daqiiqo ku qaadatay iney hogaanka ciyaarta qabato, waxaana gool cajiib ah udhaliyay weeraryahanka reer Argentine ee  Paulo Dybala

Sidoo kale daqiiqadii 21-aad Juventus ayaa ciyaarta 2-0 ka dhigtay kadib markii  Miralem Pjanic uu udhaliyay laad xor ah ama Free Kick.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybii labaad kooxda AC Milan ayaa dib udagaalantay waxana gool niyad dhis ah udhaliyay weeraryahanka Bacca, laakiin waxaa xaalada ku xumeeyay  Manuel Locatelli kaas oo goolka kadib loo taagay kaarkiisii labaad ciyaartana laga saaray.

Kooxda Juventus ayaa ugu danbeyn guul 2-1 ah ka gaartay dhigeeda naadiga AC Milan, waxaana ay ka dhigan tahay in la sugu natiijada kulanka kale

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/kooxda-juventus-oo-cashir-udhigtay-ac-milan-xili-pjanic-uu-gool-cajiib-ah-udhaliyay-kooxdiisa/">Kooxda Juventus oo Cashir udhigtay AC Milan xili Pjanic uu gool cajiib ah udhaliyay kooxdiisa</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *