<

Home » Horyaalada » Premier League » Kooxda Hull City oo Taako udhigtay Man United & Goolhaye Jakupovic oo noqday geesigii ka hortagay Weerarkii United

Kooxda Hull City oo Taako udhigtay Man United & Goolhaye Jakupovic oo noqday geesigii ka hortagay Weerarkii United

Kooxda Hull City ayaa taako udhigtay naadiga Man United kadib kulan adag oo ka dhacay garoonka Old Trafford.

Wiilasha macalin Jose Mourinho ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah, laakiin waxaa ay ku guul dareysteen iney shabaqa soo taabtaan.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dar dar leh iyadoo kooxda United ay koontarooleysay kubada inta badan iskuna dayaysay iney guul ka gaaraan kulankan.

Kooxda Man United ayaa fursadii koobaad abuurtay!  Herrera ayaa kubad wanaagsan la raadiyay Mkhitaryan, laakiin fursadaas ayay qasaariyeen daqiiqadii 2-0aad, sidoo kale daqiiqadii 14-aad ayuu Zlatan Ibrahimovic helay fursad halis ah laakiin goolhaye Jakupovic  ayaa bad baadiyay.

promo310249070

Daqiiqadii 41-aad goolhaye  Jakupovic ayaa bad baadin kale oo cajiib ah ka sameeyay Paul Pogba kadib baas qurux badan oo uu ka helay Zlatan Ibrahimovic.

promo310250658

Qeybtii koobaad ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 0-0, iyadoo labada koox ay iska dhalin waayeen wax gool ah, inkastoo ay fursado wanaagsan abuurtay naadiga Man United.

Markii dib la usugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta kooxda Man United ayaa heshay fursado halis ah oo ay goolal ku dhalin kareen.

manchester-united-hull-banner-pogba-zlatan

WAAW! Laakiin sidee ayuu Mata uqasaariyay fursadaas? Smalling ayaa madaxa kubad ugu baasay Mata, kaas oo aysan cidina la joogin, laakiin goosha afkeeda ayuu kubada ka shuuday, waxaase bad baadin cajiib ah ka sameeyay goolhaye Jakupovic. taas waxaa ay aheyd bad baadin aan caadin aheyn.

promo310253671

BIRTA! Kooxda Hull City ayaa ku dhawaatay iney ciqaabto kooxda Man United, Markovic ayaana kubad birta ku dhuftay daqiiqadii 86-aad.

promo310254569

Kooxda Man United ayaa daqiiqadii ugu danbeysay ku dhawaatay iney dhaliso gool laakiin Pogba ayaa fursadaas waxaa ka bad baadiyay goolhaye  Jakupovic.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 0-0 iyadoo kooxda Man United ay mar kale natiijo xun kala kulantay horyaalka Ingiriiska.

Wiilasha macalin Jose Mourinho ayaa ku jira kaalinta lixaad ee kala horeynta horyaalka iyadoo ay iska qasaariyeen fursad ay ugu dhawaan lahaayeen booska loogu soo baxo Champions League-ka.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/kooxda-hull-city-oo-taako-udhigtay-man-united-goolhaye-jakupovic-oo-noqday-geesigii-ka-hortagay-weerarkii-united/">Kooxda Hull City oo Taako udhigtay Man United & Goolhaye Jakupovic oo noqday geesigii ka hortagay Weerarkii United</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *