<

Home » Horyaalada » Premier League » Kooxda Chelsea oo guul weyn ka gaartay Hull City, Costa oo shabaqa soo taabtay & Chelsea oo 8 dhibic hogaanka ku qabatay

Kooxda Chelsea oo guul weyn ka gaartay Hull City, Costa oo shabaqa soo taabtay & Chelsea oo 8 dhibic hogaanka ku qabatay

Kooxda Chelsea ayaa sii dheereysatay hogaanka horyaalka Ingiriiska xili wiilasha macalin Conte ay kulankii 8-aad oo xariir ah ay ku badiyeen garoonkooda Stamford Bridge.

D.Costa ayaa soo laabashadiisii gool ku bilaabay halka goolka labaad ee Chelsea uu dhaliyo daafaca Cahill, sidaas ayayna 2-0 uga badiyeen naadiga Hull City.

Daqiiqadii koobaad ee bilowgii ciyaarta Diego Costa ayaa ku dhawaatay inuu 10 ilbiriqsi gool ku dhaliyo laakiin shuudkiisii goosha ayaa waxyar birta ujirsaday!

ktedjoieqcgce00gpvvx_mason

Daqiiqadii 20=aad ee ciyaarta ayaa Mason oo katirsan kooxda Hull City garoonka laga dhex qaaday kadib markii ay madaxa isku dhufteen daafaca Chelsea Cahill.

Daqiiqadii 31-aad ee ciyaarta goolhaye  Jakupovic ayaa kubad halis aheyd ka bad baadiyay daafaca Marcos Alonso halka garsooraha ciyaarta uu Hazard ka diiday rigoore kadib markii lagu jalaafeeyay xerada ganaaxa daqiqiadii 33-aad.

banner-chelsea-v-hull-costa-cahill-goal

9 daqiiqo ayaa ciyaarta lagu daray maadaama Mason uu garoonka dhexyaalay isagoo dhaawac ah, laakiin  Courtois ayaa bad baadin cajiib ah ka sameeyay shuud xoogan oo uu goosha ku aadiyay  Maguire

GOAL! CHELSEA 1-0 HULL (Costa 45+7)

Chelsea ayaa hogaanka qabatay waana Costa! Moses ayaa kubad kasoo qaaday dhanka midig waxaana ay soo dhex martay daafacyada Hull City, kadibna waxaa ay utagtay Costa kaas oo si qurux badan udhaliyay!

Goolkaas kadib ayuu xidigan udabaal degay si aan caadi aheyn isagoo tilmamayay in hadal badan laga sheegay mustaqbalkiisa.

promo309374732

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 markii dib la isugu soo laabtay Hull City ayaa dhibaato ku aheyd goosha Chelsea, daqiiqadii 50-aad waxaa ay dooneysay in rigoore loo dhigo kadib markii  xerada ganaaxa uu Alonso ku jalaafeeyay Hernandez laakiin garsoorka ayaa diiday!

GOAL! CHELSEA 2-0 HULL (Cahill 81)

Chelsea ayaa hubisay iney sedexda dhibic ka heleen kulankan, Willian ayaa geeska lagu jalaafeeyay waxaana karoos wanaagsan kasoo qaaday Fabregas , kadibna waxaa ay utagtay Cahill kaas oo ciyaarta ka dhigey 2-0…

promo309377860

Taageerayaasha kooxda Chelsea ayaa ku heesayay magaca Cecs Fabregas, laakiin D.Costa ayaa daqiiqadii 85-aadku dhawaaday inuu helo goolkiisii labaad ee ciyaarta,  Fabregas ayaa kubad cajiib ah la ciyaaray laakiin goolhaye Jakupovic ayaa lugaha ku bixiyay kubadaas!

promo309378091

Ciyaarta kusoo dhamaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday kooxda CHELSEA!  Diego Costa ayaa hogaanka udhiibay kooxdiisa, halka Cahill uu goolka labad dhaliyay.

Chelsea ayaana gaartay guushan iyadoo haatan sideed dhibcood oo nadiif ah ka sareysa kooxaha kusoo xiga ee kala ah Arsenal iyo Liverpool.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/kooxda-chelsea-oo-guul-weyn-ka-gaartay-hull-city-costa-oo-shabaqa-soo-taabtay-chelsea-oo-8-dhibic-hogaanka-ku-qabatay/">Kooxda Chelsea oo guul weyn ka gaartay Hull City, Costa oo shabaqa soo taabtay & Chelsea oo 8 dhibic hogaanka ku qabatay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *