<

Home » Horyaalada » Premier League » Kooxda Chelsea oo dhulka ku jiiday Brentford, Willian, Pedro, Ivanovic & Batshuayi oo shabaqa soo taabtay

Kooxda Chelsea oo dhulka ku jiiday Brentford, Willian, Pedro, Ivanovic & Batshuayi oo shabaqa soo taabtay

Kooxda Chelsea ayaa guul weyn ka gaartay naadiga Brentford kulan adag oo katirsanaa wareega afaraad ee tartanka FA Cup-ka, waxaana ay ku badisay 4-0.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dar dar ah iyadoo kooxda martida loo ahaa ee Chelsea ay fursado badan heshay.

GOAL! CHELSEA 1-0 BRENTFORD (Willian, 14)

WHAT A STRIKE! Willian ayaa CHELSEA udhiibay hogaanka kadib markii uu udhaliyay Free Kick ama laadka xorta ah.

GOAL! CHELSEA 2-0 BRENTFORD (Pedro, 21)

GO0OL CAJIIB AH ayay Chelsea dhalisay, Willian ayaa kubada la raadiyay Batshuayi laakiin kubada waxa helay Pedro kaas oo gool qurux badan ka hoos bixiyay lugaha goolhayaha Brendfotrd.

Chelsea ayaa ku dhawaatay iney marar badan shabaqa soo taabato iyadoo Luftus-cheek uu fursado halis ah qasaariyay halka Batshuey uu isna ku dhawaaday inuu gool dhaliyo laakiin diilinta ayay dhaafi weysay inkastoo uu dabaal degay, qeybtii hore ee ciyaarta ayaana kusoo dhamaatay 2-0.

Markii dib la isugu soo laabtay Chelsea ayaa halkeeda kasii waday weerarka ay ku heysay goosha, waxaana ay qasaarisay fursad badan xataa Luftus-cheek ayaa birta kubad ku dhuftay.

GOAL! CHELSEA 3-0 BRENTFORD (Ivanovic, 69)

Gool cajiib ah ayuu dhaliyay Ivanovic oo keyd kasoo galay ciyaarta, Pedro ayaana si wanaagsan goolkaas ugu shaqeeyay…

CIyaarta ayaa weerarka ay hal dhinac aheyd, inkastoo kooxda heerka labaad ka ciyaarta ay heshay labo fursad oo halis ahaa oo ay goolal ku dhalin kartay.

GOAL! CHELSEA 4-0 BRENTFORD (Batshuayi rigoore, 81)

Batshuayi ayaanan wax qalad ah sameyn kadib rigoore loo dhigay, waxaaa rigooradaas lagu galay daafaca Ivanovic, ciyaarta ayaana noqotay 4-0.

Ugu danbeyn ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 4-0 oo ay ku badisay naadiga Chelsea, taas oo iska xaadirisay wareega xiga.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/kooxda-chelsea-oo-dhulka-ku-jiiday-brentford-willian-pedro-ivanovic-batshuayi-oo-shabaqa-soo-taabtay/">Kooxda Chelsea oo dhulka ku jiiday Brentford, Willian, Pedro, Ivanovic & Batshuayi oo shabaqa soo taabtay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *