<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » Kooxda Barcelona oo jeex jeexday Real Sociadad, Messi, Suarez, Denis & Turan oo Shabaqa soo taabtay Xili la iska dhaliyay Nus Darsin Goolal ah

Kooxda Barcelona oo jeex jeexday Real Sociadad, Messi, Suarez, Denis & Turan oo Shabaqa soo taabtay Xili la iska dhaliyay Nus Darsin Goolal ah

Kooxda Barcelona ayaa guul weyn ka gaartay naadiga Real Sociadad kadib markii ay kaga badisay 5-2, kulan katirsanaa wareega afar dhamaadka ee Copa dello Rey.

Kulankii koobaad ayay Barca kusoo badisay 1-0 waxaana ay ka dhigan tahay iney wareega xiga ugu gudubtay isku dar labada kulan 6-2.

Shaxdii Barcelona: Cillessen; Sergi Roberto, Piqué, Umtiti, Jordi Alba; Mascherano, André Gomes, Denis; Messi, Suárez, Neymar

Shaxdii Real Sociedad: Rulli; Aritz Elustondo, Raúl Navas, Íñigo Martínez, Yuri; Illarramendi, Zurutuza; Vela, Xabi Prieto, Oyrarzabal; Willian José

16 Daqiiqo| Goooooooooooal Barça! Denis!  Gool fudud ayuu ahaa Messi ayaa kubada si wanaagsan uquudiyay Luis Suarez kaas oo isa si qurux badan ugu dhiibay Denis Suarez ciyaartana waxaa uu ka dhigay 1-0.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala baxay Barca oo 1-0 ku hogaamineysa in kastoo ay fursado badan iska qasaariyeen.

Daqiiqadii 55-aad| Goooooal! Messi ayaanan wax qalad ah sameyn kadib markii uu rigoore ugu dheereeyay hogaanka kooxdiisa

Barcelona ayaa heshay rigoore, kadib markii Neymar lagu jalaafeeyay xerada ganaaxa, ciyaaryahanada Real Sociadad ayaana ka mudaharaaday go’aankaas laakiin garsooraha ayaa rigoore dhigay, Messi ayaana gool ubadalay

Daqiiqadii 61-aad | Goooooooooal La Real! Juanmi ayaa shabaqa usoo taabtay kooxdiisa kadib baas halis ahaa oo uu helay, waxaana uu kubada ka dulqaaday goolhaye Cillessen!  ciyaarta ayaana noqotay 2-1.

Daqiiqadii 62-aad | Gooooooooooal Barça! , La Real ayaa daqiiqad kahor gool dhalisay laakiin lixdan Ilbiriqsi kadib waa laga soo celliyay goolkaas, Messi ayaa kubada kasoo xoogay qadka dehxe waxaana uu baas cajiib ah udhiibay Suarez kaas oo aan isna wax qalad ah sameyn ciyaartana ka dhigay 3-1.

Daqiiqadii 71-aad | Gooooooooooal! Willian! Mar kale ayay soo laabatay kooxda Sociadad, waxana gool aan caadi aheyn madaxa ku dhaliyay weeraryahanka William, waase uu difaaci karay goolhaye Casillesen laakiin ma aysan noqon!

Daqiiqadii 80-aad | Goooooooooal! Arda! Kaliya afar daqiiqo ayuu garoonka ku jiray Arda Turan waxaana wiilkan reer Turkey uu dhaliyay gool cajiib ah waxaana uu ciyaarta ka dhigay 4-1.

Daqiiqadii 82-aad | Gooooooooooal! Denis! La Real ayaa cad cad loo kala jar jaray caawa. Messi ayaa kubad qurux badan la ciyiaaray Denis Suarez, kadibna waxaa uu kubadii la dhaafay goolhayaha si layaqaan ayuuna uga dhaliyay.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 5-2 taas oo ka dhigan in isku cel celis ahaan ay kooxda Barca kusoo baxday 6-2, waxaana ay ugudbeen wareega xiga.

L.Messi ayaa ku lug lahaa gool walba oo ay dhalisay kooxda Barcelona, isagoo si weyn uquudiyay ciyaaryahanada kooxdiisa.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/kooxda-barcelona-oo-jeex-jeexday-real-sociadad-messi-suarez-denis-turan-oo-shabaqa-soo-taabtay-xili-la-iska-dhaliyay-nus-darsin-goolal-ah/">Kooxda Barcelona oo jeex jeexday Real Sociadad, Messi, Suarez, Denis & Turan oo Shabaqa soo taabtay Xili la iska dhaliyay Nus Darsin Goolal ah</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *