<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » Kooxda Barcelona oo guul weyn ka gaartay naadiga Atletic Madrid, Suarez, Messi & Griemazmann oo shabaqa soo taabtay

Kooxda Barcelona oo guul weyn ka gaartay naadiga Atletic Madrid, Suarez, Messi & Griemazmann oo shabaqa soo taabtay

Kooxda Barcelona ayaa guulweyn ka gaartay naadiga Atletic Madrid iyadoo Suarez iyo Messi ay shabaqa soo taabteen.

Atletic Madrid ayaa sidoo kale ku dadaashay iney hesho goolka bar bardhaca ah laakiin ugu danbeyn ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1

Naadiga Atletic Madrid ayaa isku dayaysay iney cadaadis ku abuurto kooxda Barcelona, iyadooba markii la baastay kubada isku dayday iney weerar ku qaado goosha uu waardiyaha ka yahay Callissen, laakiin Barca ayaa dib kubada kala wareegtay.

Goal! Atlético de Madrid 0, Barcelona 1. Luis Suárez (Barcelona): Xidigan ayaa kooxda Barcelona udhiibay hogaanka ciyaarta, waxaana uu si wanaagsan uga soo tagay inta badan difaacyada Atletic Madrid Javier Mascherano ayaana caawinaadaas sameeyay.

Kooxda Barcelona ayaa halkeeda kasii waday weerarka ay ku haysay goosha kooxda Atletic Madrid iyadoo MSN ay garoonka si weyn uga dhex muuqdeen.

GOAL! GOAL! GOAL! Messi  ayaa daqiiqadii 33-aad kooxdiisa udhaliyay goolkii labaad, waxaana uu ahaa shuud qurux badan, waxaana caawin ku lahaa  Ivan Rakitic.

1485932784_650463_1485984164_noticia_normal

Qeybtii koobaad ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 iyadoo Kooxda Barcelona ay ku dhawaatay iney goolal kale dhaliso, laakiin natiijada ayaa sidaas kusoo dhamaatay qeybtii koobaad.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad kooxda Atletic Madrid ayaa cadaadis xoogan saartay goosha kooxda Barcelona, iyadoo weerar ku haysay.

GOAL! GOAL! Griezmann ayaa rajo geliyay  kooxdiisa kadib markii uu madaxa ku dhaliyay goolkii qurux badan Mascherano ayaana madaxiisa laga galay kubadaas daqiiqadii

Cadaadis xoogan ayay kooxda Atletic ku haysay goosha kooxda Barcelona, iyadoo marar badan ay ku dhawaatay iney goolal dhaliso.

76 daqiiqo: BAD BAADIN CAJIIB AH! Goolhayaha kooxda Atletic Madrid Moya ayaa bad baadin cajiib ah ka sameeyay laad xor ah ama Free Kick uu meel ujirta  25-yar goosha ka helay Messi.

FURSAD HALIS AH! Atleti ayaa ku dhawaatay iney hesho goolka bar bardhaca, daafaca Luis ayaa karoos cajiib ah ka keenay dhanka bidix, laakiin Torres ayaa kubada ku aadiyay goosha nasiib daro birta agteeda ayay martay.

Ugu danbeyn ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday Kooxda Barcelona, taas oo ka dhigan iney kusoo badisay garoonka Atletico.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/kooxda-barcelona-oo-guul-weyn-ka-gaartay-naadiga-atletic-madrid-suarez-messi-griemazmann-oo-shabaqa-soo-taabtay/">Kooxda Barcelona oo guul weyn ka gaartay naadiga Atletic Madrid, Suarez, Messi & Griemazmann oo shabaqa soo taabtay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *