<

Home » Horyaalada » Kooxda Barcelona oo guul weyn ka gaartay Eibar, MSN oo shabaqa soo taabtay & Wiilasha Enrique oo Cadaadiska ku badiyay Real

Kooxda Barcelona oo guul weyn ka gaartay Eibar, MSN oo shabaqa soo taabtay & Wiilasha Enrique oo Cadaadiska ku badiyay Real

Kooxda Barcelona ayaa guul weyn ka gaartay naadiga Eibar xili Messi, Suarez, Deniz Suarez iyo Neymar ay shabaqa soo taabteen.

Guusha naadiga Barcelona ayaa ka dhigan iney ku dhawaadaan kooxda hogaanka haysa ee Real Madrid taas oo habeen hore ka badisay naadiga Malaga.

Kooxda Barcelona ayaa weerarka ku bilowday goosha naadiga Eiber, hase ahaatee dhibaato xoogan ayaa soo wajahday kadib markii uu daqiiqadii 6-aad dhaawac xun soo gaaray qadka dhexe ee Sergio  Busquets kaas oo garoonka bareelo looga saaray.

yjhrkwomrpgdj113sjlc_busqyets

Daqiiqadii 21-aad Barcelona ayaa ku dhawaatay iney hogaanka ciiyaarta qabato, laakiin  Suarez ayaa qasaariyay fursad dahabi aheyd.

Laakiin daqiiqadii 26-aad goolhaye Ter Stegen ayaa lagu qasbay inuu bad baadin weyn ka sameyo weeraryahanka Eibar Adrian, Barca ayaana ka bad baaday fursadaas, laakiin isla daqiiqadaas goolhayaha ayaa si cajiib ah ubad baadiyay fursad kale oo uu ku helay Pedro Leon.

GOAL! EIBAR 0-1 BARCELONA (Denis Suarez 32)

Kubad qurux badan ayuu dhaliyay Denis Suarez, Neymar ayaa kubada la raadiyay Messi, kaas oo shuudkiisii laga baloog gareeyay kubada ayaase utagtay  Denis Suarez kaas oo goosha ka toogtay meel qayaastii ujirta 20 Yaar, waxaana kaas uu ahaa goolkiisii koobaad ee kooxda.

BIRTA! Suarez ayaa kubad xoogan ku laaday goosha, laakiin waxaa ay dhaaftay goolhayaha, nasiib daro birta ayaa beenisay oo gool ma uusan noqon, qeybtii hore ee ciyaarta ayaana kusoo dhamaatay 1-0.

GOAL! EIBAR 0-2 BARCELONA (Messi 50)

Mucjisadii Messi… Isaga ayaa bilaabay kubada waxaana uu udhiibtay Suarez kaas oo si cajiib ah ugu celiyay, Messi oo xawaare sare ku ordaya ayaana lugta bidix ku dhaliya goolkaas oo ahaa mid aad uqurxoonaa.

Daqiiqad kadib Eibar ayaa heshay fursad ay shabaqa kusoo taabatay laakiin calanwadaha ayaa garsoorka ku wargeliyay inuu goolkaas Offside ahaa.

GOAL! EIBAR 0-3 BARCELONA (Suarez 68)

Haatana waa markii Luis! Xidigii hore ee kooxda Liverpool ayaa markiisa shabaqa soo taabtay isla markaana ciyaarta ka dhigay 3-0.

GOAL! EIBAR 0-4 BARCELONA (Neymar 90+1)

Neymar ayaa helay isna goolkiisii. Vidal ayaa kubad wanaagsan kasoo dhiibay dhanka midig, waxaana qabsaday Alcacer kaas oo isna udhiibay Neymar, xidigan ayaana si cajiib ah goolkaas udhaliyay.

Waxaa uu ku biiray  Messi, Suarez iyo D Suarez kuwaas oo horey shabaqa usoo taabtay daqiiqadii ugu danbeeyay ee ciyaarta

Kooxda Eibar ayaa abuurtay fursado cajiib ahaa oo ay goolal ku dhalin kartay hase ahaatee ciyaarta ayaa sedexda dhibcood waxaa la tagay naadiga Barcelona.,

Guusha Barcelona ayaa ka dhigan iney haatan hal dhibic ujirto kooxda Real Madrid taas oo uu kulan baaqi uyahay, laakiin horyaalka ayaa la isku dhow yahay dhibco ahaan haatan.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/kooxda-barcelona-oo-guul-weyn-ka-gaartay-eibar-msn-oo-shabaqa-soo-taabtay-wiilasha-enrique-oo-cadaadiska-ku-badiyay-real/">Kooxda Barcelona oo guul weyn ka gaartay Eibar, MSN oo shabaqa soo taabtay & Wiilasha Enrique oo Cadaadiska ku badiyay Real</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *