<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » Kooxda Barcelona oo Guul Dahabi ah ka gaartay Atletic Bilboa, Messi oo gool cajiib ah dhaliyay iyo Barca oo dhibic ujirsatay Real

Kooxda Barcelona oo Guul Dahabi ah ka gaartay Atletic Bilboa, Messi oo gool cajiib ah dhaliyay iyo Barca oo dhibic ujirsatay Real

Kooxda Barcelona ayaa guul weyn ka gaartay naadiga Atletic Bilboa, kadib ciyaar xiiso badan oo kusoo dhamaatay 3-0.

Inkastoo macalinka Barca uu keydka uga soo tagay Suarez, hadana xidiga badalkiisa lagu soo bilaabay ee Alcacer, Messi iyo daafaca Vidal ayaa shabaqa soo wada taabtay.

Guusha Barcelona ayaa ka dhigan iney soo gasho kaalinta labaad iyadoo sedex dhibcood ka sareysa kooxda Sevilla oo habeen danbe ciyaaresa halka ay Real ka hooseyso hal dhibcood inkastoo labo kulan udhiman yahay

Daqiiqadii 3-aad ee ciyaarta kooxda Bilbao ayaa kaga naxsaday Barcelona weerar deg deg ah, waxaana kubad halis aheyd birta kku dhuftay Raul Garcia.

barcelonas-players-celebrate-after-scor

GOAL! BARCELONA 1-0 ATHLETICO BILBAO (Alcacer, 17)

Neymar ayaa kubada la raadiyay weeraryahanka Paco Alcacer kaas oo aanan qasaarin fursadaas , waxaana ciyaarta ay noqtay 1-0.

Daqiiqadii 37-aad ee ciyaarta kooxda Bilboa ayaa ku dhawaatay iney hesho goolka bar bardhaca, waxaana laad xor ah ama Free Kick  Balenziaga, laakiin goolhayaha Barca Stegen ayaa bad baadiyay.

GOAL! BARCELONA 2-0 ATHLETICO BILBAO (Messi, 40)

Goolhayaha kooxda Bilboa ayaa si xun uciyaaray kadib laad xor ahaa oo uu dhanka midig kasoo qaaday Messi, xidigan ayaana si cajiib  ah meel dhinac ah goolkaas ugu dhaliyay, waxaana kooxda Bilboa niyad jab u aheyd in gool noocaas ah laga dhaliyo iyadoo waliba si wanaagsan uciyaareysay.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 iyadoo kooxda Barcelona ay hogaamineysay, markii dib la isugu soo laabtay kooxda Barca ayaa halkeeda kasii waday bandhigeeda qurxoon ee ciyaarta.

BARCELONA 3-0 ATHLETICO BILBAO (Vidal, 67)

Ciyaartii waa soo dhamaatay, Aleix Vidal ayaana ciyaarta hurdo udiray kadib markii uu goolkii sedexaad dhaliyay, waxaana uu ahaa gool nasiib ku yimid.

Ciyaarta ayaa ugu danbeyn kusoo dhamaatay 3-0 oo ay guusha ku raacday Kooxda Barcelona iyadoo goolasha uga mahadcelineysa Alcacer, Messi iyo Alex Vidal, kuwaas oo dhamaantood shabaqa soo taabtay.

Guusha Kooxda Barcelona ayaa ka dhigan iney soo gasho kaalinta labaad ee kala horeynta horyaalka iyadoo dhibcaha la wadaagta kooxda Sevilla oo beri  la ciyaareysa naadiga Villareal.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/kooxda-barcelona-oo-guul-dahabi-ah-ka-gaartay-atletic-bilboa-messi-oo-gool-cajiib-ah-dhaliyay-iyo-barca-oo-dhibic-ujirsatay-real/">Kooxda Barcelona oo Guul Dahabi ah ka gaartay Atletic Bilboa, Messi oo gool cajiib ah dhaliyay iyo Barca oo dhibic ujirsatay Real</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *