<

Home » Horyaalada » Premier League » Kooxda Arsenal oo 5-0 ku xasuuqday Southampton, Walcott oo sedexley dhaliyay & Welbeck oo wacdaro dhigay

Kooxda Arsenal oo 5-0 ku xasuuqday Southampton, Walcott oo sedexley dhaliyay & Welbeck oo wacdaro dhigay

Kooxda Arsenal ayaa guul weyn ka gaartay naadiga Southamton iyadoo iska xaadirisay wareega shanaad ee tartankan FA Cup-ka.

Arsenal oo uu tarabuunka ka saarnaa macalinkooda Arsene Wenger ayaa 5-0 kaga badiyay Southampton xili Walcott uu sedexley dhaliyay, halka Welbeck uu isna labo gool dhaliyay.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dar dar leh iyadoo wiilasha Arsenal ay abuureen fursadihii ugu badnaa ee ciyaarta

GOAL! SOUTHAMPTON 0-1 ARSENAL (Welbeck, 15)

Kooxda Arsenal ayaa hogaanka uqabatay ciyaarta, waxaana baas cajiib ah soo dhiibay Lucas Perez waxaana helay Welbeck kaas oo goolhayaha kubada ka dulqaaday kadibna si qurux badan udhaliyay goolkaas.

GOAL! SOUTHAMPTON 0-2 ARSENAL (Welbeck, 22)

Mar kale ayaa dhalliyay gool kale oo cajiib ah kadib markii uu baas cajiib ah ka helay garabka Oxlade-Chamberlain, ciyaarta ayaana noqotay 2-0.

Kooxda Southampton ayaa marar badan ku dhawaatay iney Arsenal gool ka dhaliso, laakiin goolhaye Osbina ayaa bad baadin cajiib ah sameeyay.

SOUTHAMPTON, ENGLAND - JANUARY 28: Danny Welbeck of Arsenal scores his and his sides second goal past Harry Lewis of Southampton during the Emirates FA Cup Fourth Round match between Southampton and Arsenal at St Mary's Stadium on January 28, 2017 in Southampton, England.  (Photo by Julian Finney/Getty Images)

GOAL! SOUTHAMPTON 0-3 ARSENAL (Walcott, 35)

Si fudud ayay kooxda Arsenal ku heshay goolkii sedexaad, Welbeck ayaa goolkaas s wacan uga soo shaqeeyay kaas oo udhiibay Walcott, xidigan ayaana si wacan goolka udhaliyay.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-0 iyadoo si wacan ay kooxda Arsenal ukoontarooshay ciyaarta.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii danbe ee ciyaarta kooxda Arsenal ayaa halkeeda ka waday weerarkii ay ku heysay goosha kooxda Southampton.

GOAL! SOUTHAMPTON 0-4 ARSENAL (Walcott, 69)

Kooxda Arsenal ayaa heshay goolkii afaraad ee ciyaarta, waxaana mar kale shabaqa soo taabtay Walcott,  Bellerin ayaa kubada la raadiyay Sanchez, kaas oo isna la raadiyay Walcott, waxaana xidigan uu dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta.

SOUTHAMPTON, ENGLAND - JANUARY 28: Theo Walcott of Arsenal scores his sides third goal during the Emirates FA Cup Fourth Round match between Southampton and Arsenal at St Mary's Stadium on January 28, 2017 in Southampton, England.  (Photo by Julian Finney/Getty Images)

GOAL! SOUTHAMPTON 0-5 ARSENAL (Walcott, 84)

SEDEXLEY! Waa goolkii 99-aad ee Arsenal uu udhaliyo Walcott, baas cajiib ah ayuu ka helay Sanchez waxaana uu si fudud ku dhaliyay goolkiisii sedexaad.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 5-0 oo ay gusha ku raacday kooxda Arsenal taas oo iska xaadirisay wareega shanaad ee tartankan FA Cup-ka.

Macalin Arsene Wenger oo ay ubilaabatay ganaaxiisii afarta kulan ahaa ayaana kulankiisii koobaad ee kooxda maqnaa.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/kooxda-arsenal-oo-5-0-ku-xasuuqday-southampton-walcott-oo-sedexley-dhaliyay-welbeck-oo-wacdaro-dhigay/">Kooxda Arsenal oo 5-0 ku xasuuqday Southampton, Walcott oo sedexley dhaliyay & Welbeck oo wacdaro dhigay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *