<

Home » Suuqa Kala Iibsiga » Kooxaha Ka Dhisan London oo Isha kuwada Haya Hal Saxiix Labada Maalin ee ka Hartay Suuqa- Waa kuma? Yaase ku dhaw?

Kooxaha Ka Dhisan London oo Isha kuwada Haya Hal Saxiix Labada Maalin ee ka Hartay Suuqa- Waa kuma? Yaase ku dhaw?

Kooxaha ka dhisan Horyaalka Ingiriiska ee Tottenham, iyo West Ham, ayaa lagu soo waramayaa inay si aad ah u xiiseynayaan lasoo wareegida xiddiga ka tirsan kooxda Inter Milan ee Andrea Ranocchia.

Kaliya maahan kooxahaas, waxaa sidoo kale xiisahooda ku wehlinaya, kooxda Raashka ka dhisan ee Zenit St. Petersburg, sida uu soo warinayo wargeyska Talyaaniga laga leeyahay ee Corriere dello Sport.

Wakiilada ciyaaryahanka heerka caalami ee qaranka Italy, ayaa lagu arkay todobaad kii lasoo dhaafay, iyagoo ku sugan Magaalada London, si ay wadahadalo ula furaan, naadiyada Egland ee Tottenham, iyo West Ham.

Balse Inter Milan ayaa dooneysa inay daafaceeda ay ku bixiso si amaah ah, iyadoo u aragta inuu wali mustaqbal fiican ku leeyahay kubadda cagta.

Inkastoo ay u badan tahay in Ranocchia, uu ka tago Nerreazuri inta uu furan yahay suuqa kala wareegsiga ciyaaryahanada qaarada Yurub, bishaan Janaayo.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/kooxaha-london-ka-dhisan-ee-tottenham-iyo-west-ham-oo-isku-garbinaya-inay-lasoo-saxiixdaan-laacib-ka-ciyaara-horyaalka-serie-a-da-iyo-koox-ruushka-ka-dhisan-oo-ku-dhagan/">Kooxaha Ka Dhisan London oo Isha kuwada Haya Hal Saxiix Labada Maalin ee ka Hartay Suuqa- Waa kuma? Yaase ku dhaw?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *