<

Home » Suuqa Kala Iibsiga » Kooxaha ka dhisan Magaalada London oo isku haysta Ciyaaryahan ay ka careysan yihiin taareegayaasha Real Madrid, ma’ahan laacibka aad moodo

Kooxaha ka dhisan Magaalada London oo isku haysta Ciyaaryahan ay ka careysan yihiin taareegayaasha Real Madrid, ma’ahan laacibka aad moodo

Kooxaha London ka dhisan ee Chelsea iyo Arsenal ayaa isku haya inay soo qaataan mid kamida xiddigaha ugu wanaagsan kooxda Real Madrid, sida ay soo warinayaan wararka ka imaanaya dalka Spain saaka.

Madaxweynaha Real ninka lagu magacaabo Florentino Perez, ayaa sheegay inuu doonayo inuu iska iibiyo ciyaaryahanka heerka caalami ee qaranka France.

29-sano jirkaan ayaa kulankii ugu danbeeyay ay kooxdiisa ay ciyaarto, waxaa si weyn ugu oriyay taageerayaasha Los Balangos, inkastoo uu xilli ciyaareedkaan uusan si wacan uga soo dhalaalinta kaalintiisa dhanka weerarka, si kastaba Benzema ayaa tan iyo bilaabashadii xilli ciyaareedkan waxa uu magaciisa ku qoray ilaa iyo 12 gool.

Real Madrid ayaa laga saaray Copa del Rey, balse waxa ya ceebtaas isaga dhaqday kulankii ay Real Sociedad kaga badiyeen garoonkooda Bernabeu habeenkii xalay.

Perez ayaa u sheegay Arsenal iyo Chelsea inuu iib yahay weeraryahankiisa Benzema, inkastoo ay kula dagaalameyso kooxda reer France ee Paris St Germain.

Gunners ayaa mudo badan lala xiriirinayay inay Emirates keento, Benzema, halka uu tababaraha Chelsea Antonio Conte uu filayo inuu bedel kaga dhigo, Diego Costa, oo doonayo inuu ka tago Stamford Bridge, isagoo rajeynaya inuu u dhaqaaqo dalka Shiinaha oo dalabyo waali ah ka helayo.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/kooxaha-ka-dhisan-magaalada-london-oo-isku-haysta-ciyaaryahan-ay-ka-careysan-yihiin-taareegayaasha-real-madrid-maahan-laacibka-aad-moodo/">Kooxaha ka dhisan Magaalada London oo isku haysta Ciyaaryahan ay ka careysan yihiin taareegayaasha Real Madrid, ma’ahan laacibka aad moodo</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *