<

Home » Horyaalada » Premier League » Kahor Kulanka Lawada Sugayo ee Chelsea Vs Arsenal – Shax Noocee ah ayay Labada Koox ciyaari doonaan?

Kahor Kulanka Lawada Sugayo ee Chelsea Vs Arsenal – Shax Noocee ah ayay Labada Koox ciyaari doonaan?

Kooxda Chelsea ayaa garoonkeeda kula ciyaari doonta naadiga Arsenal, waana mid kamid ah kulamada ugu xiisaha badan kubada cagta Yurub.

Macalin Antonio Conte ayaanan wax weyn ka badali doonin shaxdiisa kooxda iyadoo Pedro la filayo inuu kulankan kaga soo hor bilowdo xidiga William.

Inkastoo ay dhaawacyo dareemayaan D.Luiz iyo Eden Hazard hadana waxaa la filayaa iney labadan ciyaryahan kusoo bilowdaan.

chelsea-gfx_1p6i1z9f602ch1uuvdw8c3t7vm

Dhanka kooxda Arsenal, tababare Wenger ayaa ka wal walsan awoodiisa qadka dhexe maadaama ay dhaawac yihiin Ramsey, Elneny, Cazorla iyo Xhaka, waxaana la filayaa in Oxlade-Chamberlain uu dhexda kala ciyaaro Francis Coquelin

Bellerin ayaa booskiisa daafaca midig kasoo muuqan doona halka Theo Walcott, uu isna garab ka ciyaari doono, Welbeck ayaa isna la filayaa inuu shaxdan kusoo bilowdo isago weerarka kala ciyaari kara Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez

Dhanka daafaca Kieran Gibbs ayaa shaxdan kusoo bilaaban kara isagoo booska kala baxaya Nacho Monreal

arsenal-xi-v-chelsea-feb-2017_1xjcli3jbuukb11k504j5b2dpg-1

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/kahor-kulanka-lawada-sugayo-ee-chelsea-vs-arsenal-shax-noocee-ah-ayay-labada-koox-ciyaari-doonaan/">Kahor Kulanka Lawada Sugayo ee Chelsea Vs Arsenal – Shax Noocee ah ayay Labada Koox ciyaari doonaan?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *