<

Home » Horyaalada » Premier League » Kadib wacdarihii da’yarka reer Brazil Gabriel Jesus iyo bilaabashadiisii akoonka goolasha Sergio Aguero oo aan ku qanacsaneen inuu keydka u galo wiilkan yar

Kadib wacdarihii da’yarka reer Brazil Gabriel Jesus iyo bilaabashadiisii akoonka goolasha Sergio Aguero oo aan ku qanacsaneen inuu keydka u galo wiilkan yar

Gabriel Jesus ayaa furtay akoonkiisa goolasha ee Manchester City kulankii ay West Ham garaaceen habeenkii xalay, balse mid kamida Ciyaaryahanada City ayaanan ku faraxsaneyn inuu keydka u galo da’yarkan.

Sergio Aguero ayaa wejigiisa ay soo qabatay kaamirada isagoo aanan ku qancin goolkii seddexaad ee City, oo uu dhaliyay xiddiga reer Brazil daqiiqadii 39-aad ee kulankii ka dhacay Stadium London qeybtii hore ee ciyaarta, oo wiilasha Pep Guardiola si wanaagsan u ciyaareen.

Aguero ayaa hadda waxa uu la kulmayaa cadaadis booskiisa ah ee kooxda City ka gadaal markii ugu horeysay uu mustaqbalkiisa garoonka Etihad kusoo bilaawday Juses, tan iyo markii kaga soo biiray Palmeiras.

Juses, oo kulankiisii saddexaad u ciyaaray kooxdiisa cusub, ayaa ugu soo biiray naadiga City lacag dhan  £27million, isagoona hataan u muuqdo mid mustaqbal ifaayo ku leh laacibka reer Brazil kubadda cagta.

19-sano jirkaan ayaa ku haminaya inuu wax wanaagsan ka sameyn doono horyaalka dhibka badan ee Premier League-ga.

Goolasha kale ii Manchester City raacsaday Kevin De Bruyne, David Silva iyo Yaya Toure oo goolkiisu ahaa mid gool ku laad ahaa kaasoo yimid qeybta labaad ee ciyaarta.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/kadib-wacdarihii-dayarka-reer-brazil-gabriel-jesus-iyo-bilaabashadiisii-akoonka-goolasha-sergio-aguero-oo-aan-ku-qanacsaneen-inuu-keydka-u-galo-wiilkan-yar/">Kadib wacdarihii da’yarka reer Brazil Gabriel Jesus iyo bilaabashadiisii akoonka goolasha Sergio Aguero oo aan ku qanacsaneen inuu keydka u galo wiilkan yar</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *