<

Home » Horyaalada » Premier League » Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay Magacyada Laba Saxiix Oo Ay Kooxdiisa Ku Dhawaaqi Doonto Bishaan January

Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay Magacyada Laba Saxiix Oo Ay Kooxdiisa Ku Dhawaaqi Doonto Bishaan January

Jurgen Klopp ayaa qorshaynaya inuu lasoo wareegto daafac bidix oo tayo leh si uu u xaliyo dhibaatada kooxdiisa ay ka qabto dhanka daafaca.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee James Milner ayaa ilaa iyo haatan qabanaya shaqada daafaca bidix ee kooxda iyadoo Alberto Moreno uusan soo jiidan qaab ciyaareedkiisa macalin Klopp.

Tababaraha Liverpool ayaa doonaya inuu la soo wareego ninka katirsan kooxda Schalke ee Sead Kolasinac ama daafaca kooxda Fulham Ryan Sessegnon, sida laga soo xigtay wargeyska The Sun.

Klopp ayaa doonaya inuu shaqadiisa khadka dhaxe usoo celiyo James Milner taasoo la micno ah inuu bishaan ku dhawaaqi doono heshiiska daafac cusub oo tayo leh.

daafaca caalamiga ah ee dalka Bosnia Kolasinac ayaa waxaa ka haray qandaraaskiisa haatan kooxda Budusliga lix bilood, waxaana macquul ah in la iibiyo.

23-sano jirkaan, ayaa 17 kulan usaftay kooxdiisa xilli ciyaareedkan,waxaana lagu heli karaa ku dhawaad lacag £ 6m.

Horaantii bishan, Agaasimaha Schalke Christian Heidl ayaa yiri: “Waxaan dooneynaa inaan ceshano ciyaartooydeena muhiimka ah ilaa laga gaarayo bisha January.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/jurgen-klopp-oo-xaqiijiyay-magacyada-laba-saxiix-oo-ay-kooxdiisa-ku-dhawaaqi-doonto-bishaan-january/">Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay Magacyada Laba Saxiix Oo Ay Kooxdiisa Ku Dhawaaqi Doonto Bishaan January</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *