<

Home » Horyaalada » Premier League » Jurgen Klopp oo amaan ugu qubeeyay daaficii xalay ka naxsaday kooxdiisa ee David Luiz, isagoona difaacay goolhayihiisa Mignolet

Jurgen Klopp oo amaan ugu qubeeyay daaficii xalay ka naxsaday kooxdiisa ee David Luiz, isagoona difaacay goolhayihiisa Mignolet

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa amaan kala dul dhacay daafaca Chelsea David Luiz isagoona ku tilmaamay inuu yahay “World-class”, ama heer caalami kadib markii ciyaaryahanka reer Brazil uu dhaliyay laad xor ah kulankii Anfield.

Luiz, ayaa loo magacaabay “Man of Match” ama Laacibka ciyaarta, isagoona dhaliyay goolka hogaanka u dhiibay daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta.

Daafaca Chelsea ayaa u istaagay kubad free kick ahayd, kadib khalad lagu galay Eden Hazard, laadkii xorta ahaa oo uu tuurayna waxa uu u bedelay gool, isagoona sarkhaamiyay goolhayaha Liverpool Simon Mignolet, inkastoo xiddiga qaranka Belgiam booskiisa uu shaki ku jiro, Klopp ayaase diiday inuu ku eedeeyo goolhayihiisa, goolkii uu dhaliyay Luiz.

“Taasi waxay u ahayd heer caalami David Luiz, waa inaan sidaas dhahnaa”.  “Waxaan ku leeyahay waan u diyaar garownay, laakiin wuu ahaa mid layaab leh” Klopp ayaa u sheegay BT Sport ciyaarta kadib.

“Xitaa haddii uusan u diyaar garoobin waxa ay ahayd wax adag inuu badbaadiyo, maxaa yeelay, waxa ahayd mid aad u kulul, waxa uuna ka dhigay xagasha midig” ayuu yiri ninka reer Germany.

Mignolet ayaase sameeyay arin kale oo geesinimo leh, kadib markii uu kubad rigoore ahayd ka badbaadiyay Diego Costa, ciyaarta oo ka dhiman kaliya 14 daqiiqo, isagoona kooxda martida ahayd ku qasbay inay hal dhibic la noqdaan.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/jurgen-klopp-oo-amaan-ugu-qubeeyay-daaficii-xalay-ka-naxsaday-kooxdiisa-ee-david-luiz-isagoona-difaacay-goolhayihiisa-mignolet/">Jurgen Klopp oo amaan ugu qubeeyay daaficii xalay ka naxsaday kooxdiisa ee David Luiz, isagoona difaacay goolhayihiisa Mignolet</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *