<

Home » Horyaalada » Premier League » Jose Mourinho Oo Cadeeyay In Luke Shaw Xaalad Adag Ku Heysato Manchester United- Maxaase Ka jira In la iibin Doono?

Jose Mourinho Oo Cadeeyay In Luke Shaw Xaalad Adag Ku Heysato Manchester United- Maxaase Ka jira In la iibin Doono?

Jose Mourinho ayaa ku adkeysanaya in Luke Shaw uusan laheyn fursad uu ugu ciyaaro kooxda Manchester United sabab la xiriirta taam ahaanshihiisa jireed.

Daafaca buuxa ayaa ciyaaray kaliya 13 kulan xilli ciyaareedkan, laakiin kama soo muuqan Horyaalka tan iyo November isagoo wajahayay dhaawacyo xiriir ah.

Wararka ayaa sheegaya in Mourinho uu diyaar u yahay inuu iska iibiyo Shaw, iyada oo welwel ku saabsan taam ahaanshihiisa ay jirto.

Tababaraha kooxda United ayaa qiray in daafaca uusan heysan taam ahaanshiyo uu kaga sii mid ahaan karo kooxda koowaad ee United.

“Dabcan, taasi aasaasiga xakameyn kara,” ayuu yiri Mourinho markii wax laga weydiiyay haddii ay dhaawacyada ciyaaryahanka laga hortagi karo.

Waxaad isku dayi doonaa inaan helno ciyaartooy dheeraad ah, ciyaartoyda qaab wanaagsan, ciyaartoyda xaaladaha wanaagsan kujirta ayuu hadalkiisa ku daray Mourinho.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/jose-mourinho-oo-cadeeyay-in-luke-shaw-xaalad-adag-ku-heysato-manchester-united-maxaase-ka-jira-in-la-iibin-doono/">Jose Mourinho Oo Cadeeyay In Luke Shaw Xaalad Adag Ku Heysato Manchester United- Maxaase Ka jira In la iibin Doono?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *