<

Home » Horyaalada » Premier League » Jose Morinho oo caro darteed uga baxay wareysi lala yeeshay ciyaartii barbaraha Hull kadib, isagoona dhulka ku jiiday Wariyihii wareysanayay

Jose Morinho oo caro darteed uga baxay wareysi lala yeeshay ciyaartii barbaraha Hull kadib, isagoona dhulka ku jiiday Wariyihii wareysanayay

Tababare Manchester United Jose Mourinho ayaa hadda u muuqda inuu jahwareer kale uu la qaadanayo kooxdiisa Manchester United kadib markii uu barbaro 0-0 ah la galay Hull City.

Inkastoo ay heleen fursadaha ugu badan ee goolal lagu dhalin karay kulankaas, ciyaartii ugu fiicneyd ayey kusoo bandhigeen Old Trafford, balse ciyaartoy Mourinho ayaa awoodi waayeen inay dumiyaan wiilasha tababare Marco Silva oo u muuqday inay si wanaagsan isu abaabuleen.

goolhayaha Hull Eldin Jakupovic, oo 32-sano jir ah, ayaa ayaa kooxdiisa ka saaciday in United ay dhibcaha wada qeybsadaan, isagoona si geesinimo leh kubado badan uga badbaadiyay ciyaaryahanada Red Devils kuwaas oo ay kamid ahaayeen Juan Mata, Pogba iyo Zlatan Ibrahimovic, inkastoo tii ugu darneyd ay ahayd tii uu diirinta dusheeda ku dul qabtay kubadda oo markii horay ka timid Juan Mata.

Isagoona Morinho ku guuldareystay inuu farqiga dhibcaha kasoo yareeyo Liverpool oo kaalinta afaraad ku jirta, Reds ayaana haatan ka sareysa afar dhibcood oo nadiif ah, Jose ayaana u muuqday mid careysan markii wareysiga laga qaadayay ciyaarta kadib.

“Inaga waxba ma dhalin, waxna ma dhalineysid, haddii aysan ahayn inaad guuleysato” ayuu yiri tababaraha reer Portugal.

“goolhayaha waxa uu ahaa mid fiican, inagu waxaan u baahneen inaan gool dhalino, waxaan u baahneen inaan waqti badan ciyaarno, haddii aad ciyaarto 35-40 daqiiqo labada toortaha, waana mid aad u badan, waxa ay u dagaalamayeen inaysan aadin heerka labaad, marka dhibic kasta waa muhiim”.

Inkastoo uu diiday inuu dhaleeceeyo Hull daafaceeda adag, Mourinho ayaa durbadiiba ka jawaab celiyay su’aal la weydiiyay inta uusan si carol eh uga bixin wareysigii laga qaadayay ciyaarta kadib, isagoona yiri:-

“Haddii aadan aqoon kubadda cagta, waa inaadan Makarafoonka gacantaada ku haynin”, Jose Morinho ayaana isaga dhaqaaqay goobta isagoo careysan.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/jose-morinho-oo-caro-darteed-uga-baxay-wareysi-lala-yeeshay-ciyaartii-barbaraha-hull-kadib-isagoona-dhulka-ku-jiiday-wariyihii-wareysanayay/">Jose Morinho oo caro darteed uga baxay wareysi lala yeeshay ciyaartii barbaraha Hull kadib, isagoona dhulka ku jiiday Wariyihii wareysanayay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *