<

Home » Suuqa Kala Iibsiga » Jaceelkii naceeb isku bedelay:- Claudio Bravo ka tagaya Man City iyo durba oo kooxda Talyaaniga ka dhisan ee AC Milan oo xiisaheeda soo bandhigtay

Jaceelkii naceeb isku bedelay:- Claudio Bravo ka tagaya Man City iyo durba oo kooxda Talyaaniga ka dhisan ee AC Milan oo xiisaheeda soo bandhigtay

Kooxda reer Italy ee AC Milan ayaa calaameysatay inay soo qaadato ama ay lasoo waregto goolhayaha kooxda Manchester City ee Claudio Bravo, oo shaki ku jiro mustaqbalkiisa ciyaareed ee City, waxa uuna sameynayaa wax aan laga fileynin, isagoona aan hadda bandhig wanaagsan ku heysan Etihad Stadium.

Xiddiga heerka caalami ee qaranka Chile Bravo ayey u aragtaa kooxda ka dhisan San Siro, bedelka ugu qurxoon ee goolhayahooda da’da yar, ee Gianluigi Donnarumma, oo la hadal hayo inuu ka tagayo xagaagan, sida uu sheegayo Mediaset Sport.

Bravo ayaa yimid ahaa xiddigo uu Guardiola keenay Man City markii uu kusoo biirayay, waxa uuna goolhayahan sabab unoqday inuu gabi ahaanba kooxda ka diro goolhayihii hore ee Joe Hart, oo cadaadis kadib naadiga uga tagay si amaah ah, isagoona hadda ka tirsan naadiga Talyaaniga ka dhisan ee Torino.

Milan ayaana qorsheyneysa inay iska iibiso xiddiga 17-sano jirka ah ee Donnarumma, iyadoona aan qandaraaskiisa ugu horeeya aan wali laga wada hadlin, balse ay doonayaan inay kala hadlaan wakiilka ciyaaryahanka oo lagu magacaabo Mino Raiola, si ay ugla hadlaan wax ku saabsan heshiis kordhinta Donnarumma ee AC Milan.

Macada in Claudio Bravo uu tagayo kooxdiisa isagoona xilli ciyaareedkan uun uga soo biiray naadiga Barcelona, waxaana ay arintaan imaaneysaa xilli uu Pep Guardiola uu kursiga Keydka ah fariisiyay kulankii ugu danbeeyay ee ay la ciyaareen West Ham, markaasoo ay 4_0 kaga adkaadeen.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/jaceelkii-naceeb-isku-bedelay-claudio-bravo-ka-tagaya-man-city-iyo-durba-oo-kooxda-talyaaniga-ka-dhisan-ee-ac-milan-oo-xiisaheeda-soo-bandhigtay/">Jaceelkii naceeb isku bedelay:- Claudio Bravo ka tagaya Man City iyo durba oo kooxda Talyaaniga ka dhisan ee AC Milan oo xiisaheeda soo bandhigtay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *