<

Home » Horyaalada » Premier League » Ivan Rakitic Oo Cusbooneysiin Doono Heshiiskiisa Barcelona Xili Manchester City Xiiso U Qabto

Ivan Rakitic Oo Cusbooneysiin Doono Heshiiskiisa Barcelona Xili Manchester City Xiiso U Qabto

Barcelona ayaa kalsooni ku qabta in heshiis cusub uu saxiixo Ivan Rakitic, inkastoo ay xiiso u qabto kooxda Manchester City ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Croatia.

Rakitic ayaa rajeynaya in la cusboonaysiiyo heshiiska uu kula jiro kooxda kubadda cagta ee Barca.

Heshiiskiisa hadda waxa uu dhacayaa 2019, laakiin markii ciyaaryahanka laga saray safkii wajahay Osasuna iyo Espanyol bishii December waxaa jiray shaki badan oo ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda.

Wararka soo baxay waxay sheegayeen in 28-sano jirkaan uu ka tagi doono kooxda Blaugrana isagoo ku biiraya kooxda Manchester City bishaan Janaury.

Si kastaba ha ahaatee, ilo wareedyo ku sugan Barcelona ayaa sheegaya in ciyaaryahanka uu sii joogi doono, inkastoo tababare Pep Guardiola jecel u qabo Rakitic.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/ivan-rakitic-oo-cusbooneysiin-doono-heshiiskiisa-barcelona-xili-manchester-city-xiiso-u-qabto/">Ivan Rakitic Oo Cusbooneysiin Doono Heshiiskiisa Barcelona Xili Manchester City Xiiso U Qabto</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *