<

Home » Falanqeyn » ISKA ILOW LIVERPOOL & ARSENAL: Shan Sabab Oo Tottenham Kaga Fiican Tahay Tartnka Horyaalka Reds Iyo Gunners

ISKA ILOW LIVERPOOL & ARSENAL: Shan Sabab Oo Tottenham Kaga Fiican Tahay Tartnka Horyaalka Reds Iyo Gunners

Inkastoo dhawaan Liverpool iyo Arsenal ay ahaayeen kooxaha kula tartamayay Horyaalka Chelsea haddaba Manchester United ayaa ku bilaabatay qaab ciyaareed liita xilli ciyaareedkan.

Tottenham ayaa dhab ahaan kujirta tartanka ugu weyn horyaalka xilli ciyaareedkan marka la barbar dhigo kooxaha kale ee la tartamaya Chelsea.

Blues ayaa qabta faa’iido ah in ay heysto bandhiga ugu fiican Premier League waxaana ay hogaanka ku hayaan todobo dhibcood oo ay ka sareeyaan kooxaha kusoo xiga.

laakiin, sida ay ku socto kooxda ku ciyaarta White Hart Lane, waxay kuu muujineysaa in ay yihiin koox leh awood ay kula tartamaan Chelsea marka la barbardhigo Arsenal iyo Liverpool.

Taageerayaasha Tottenham ayaa sidoo kale ah kuwa ugu taxadarka badan xili ciyaareedkaan, iyadoo ka dambeeya niyad dhiska wanaagsan oo ay kooxdoda ku ciyaareyso.

1) Waxay heysanaa difaaca ugu fiican 

Mararka qaar waxay ku ciyaaraan 3-4-3 oo ah shax lamid ah tan Chelsea, xiddigaha Kyle Walker, Danny Rose, Jan Vertonghen, Toby Alderweireld, Kevin Wimmer iyo Eric Dier ayaa dhamaan kamid ah daafacyada ugu sareeya kooxdaan.

goolhaye Hugo Lloris ayaa ah goolhayaha ugu yar ee gool laga dhaliyay xili ciyaareedkaan Horyaalka Ingiriiska.

2) in ay yihiin koox adag marka ay ciyaarayaan kulamada waa weyn

Tottenham Hotspur's English midfielder Dele Alli (2nd L) jumps to score his and Totenham's second goal with this header during the English Premier League football match between Tottenham Hotspur and Chelsea at White Hart Lane in London, on January 4, 2017. / AFP / Adrian DENNIS / RESTRICTED TO EDITORIAL USE. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or 'live' services. Online in-match use limited to 75 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications. / (Photo credit should read ADRIAN DENNIS/AFP/Getty Images)

Chelsea oo la wayay koox qabataa ayuu dhagaha ku dhuftay macalin Pochettino oo isticmaalay shax lamid ah tan macalinka reer Italy.

Spurs ayaa sidoo kale garaacday Manchester City bishii October ,Pochettino ayaana ah macalin awood ku leh kooxaha waaweyn kulamada wajahayo.

3) Kalsoonida Harry Kane iyo Dele Alli 

Harry Kane iyo Dele Alli ayaa ah kuwo kujira xili ciyaareedkoodii ugu fiicnaa, waxaana labada ciyaryahan ee reer England ay ka qeyb qaadanayaan guulaha muhiimka ah oo ay kooxdoodu gaareyso.

4) Arsenal oo an muujineyn xifaaltan weyn

kooxda White Hart Lane ayaa sameysay xifaaltan adag xili ciyaareedkaan, laakiin wali ma muuqto xafaaltan kaga imaanaya kooxda ay isku xaafada yihiin ee Arsenal, tasoo siineysa fursad kooxda Tottenham.

5) Liverpool oo dib u dhac kujirta

MANCHESTER, ENGLAND - JANUARY 15: Jurgen Klopp manager of Liverpool looks on prior to the Premier League match between Manchester United and Liverpool at Old Trafford on January 15, 2017 in Manchester, England. (Photo by Laurence Griffiths/Getty Images)

Liverpool ayaa sare u kac weyn sameysay tan iyo markii uu yimid Jurgen Klopp, laakiin kulamadii alsoo dhafay kooxda Reds ayaa dib u dhac sameysay.

Spurs, ayaa xili ciyareedkaan rajo ka leh ugu yaraan in ay ku dhameysato booska labaad ee kala sareynta Horyaalka Premier League.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/iska-ilow-liverpool-arsenal-shan-sabab-oo-tottenham-kaga-fiican-tahay-tartnka-horyaalka-reds-iyo-gunners/">ISKA ILOW LIVERPOOL & ARSENAL: Shan Sabab Oo Tottenham Kaga Fiican Tahay Tartnka Horyaalka Reds Iyo Gunners</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *