<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » ISKA ILOW Griezmann: Jose Mourinho oo aan ku Qanacsaneyn Dalabka Kooxdiisa Ku Keeneyso Antoine Griezmann – Ma Hubo Inuu Shaxdeena La Qabsan Karo

ISKA ILOW Griezmann: Jose Mourinho oo aan ku Qanacsaneyn Dalabka Kooxdiisa Ku Keeneyso Antoine Griezmann – Ma Hubo Inuu Shaxdeena La Qabsan Karo

Xiddiga Bartilmaameedka u ah kooxda Manchester United Antoine Griezmann ayaa la fahamsan yahay inuu farqiga weyn u dhexeeyo isaga iyo Jose Mourinho sida lagu sheegay warbixin lagu qoray wargeyska Marca.

Kooxda Red Devils ayaa la rumeysan yahay in ay doonayaan xiddiga Atletico Madrid xagaaga soo socda, laakiin Mourinho ayaan hubin tayada ciyaaryahanka reer France iyo haddii uu la qabsan karo taatikadiisa.

Tababaraha reer Portugal ayaa la sheegay in uusan ku qanacsaneyn in € 100 million lagu soo xero geliyo Griezmann oo weerarka ka ciyaara.

Wargeyska Marca ayaa tilmaamay in Mourinho uu ka diidan yahay madaxda United in qiimahaas lagu soo qaato ciyaaryahanka madaama uusan hubin tayadiisa.

Arintaan ayaa muujineysa in macalin Jose Mourinho iyo maamulka kooxda Manchester United ay isku qilaafsan yihiin saxiixa Antoine Griezmann.

Antoine Griezmann ayaa aad loola xiriirinayay kooxda United inuu u dhaqaaqo intii ay furneyd daaqada kala iibsiga ciyaartooyda bishii January.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/iska-ilow-griezmann-jose-mourinho-oo-aan-ku-qanacsaneyn-dalabka-kooxdiisa-ku-keeneyso-antoine-griezmann-ma-hubo-inuu-shaxdeena-la-qabsan-karo/">ISKA ILOW Griezmann: Jose Mourinho oo aan ku Qanacsaneyn Dalabka Kooxdiisa Ku Keeneyso Antoine Griezmann – Ma Hubo Inuu Shaxdeena La Qabsan Karo</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *