<

Home » Horyaalada » Premier League » Iska Ilow Granit Xhaka & Coquelin- Arsenal oo £34.5 Kula soo Wareegeysa Burburiye Caalami ah

Iska Ilow Granit Xhaka & Coquelin- Arsenal oo £34.5 Kula soo Wareegeysa Burburiye Caalami ah

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay soo nooleysay xiisihii ay u qabtay ciyaaryahanka qadka dhexe ee FC Porto Danilo Pereira.

Ninka ku guuleystay Euro 2016,ayaa bartilmaameed xoogan u ah hadda kooxda Gunners sida uu ku waramay warheyska A Bola.

Wargeyska Portugal kasoo baxa ayaa sheegay in wakiilo ka socda kooxda Arsenal ay joogeen kulankii u dhexeeyay FC Porto iyo Rio Ave kaasoo ka tirsanaa Horyaalka Primeira Liga.

Wakiilada kooxda ka dhisan London ayaa daawaday qaab ciyaareedka 25-sano jirkaan reer Portugal kaasoo ka saaciday gool kooxdiisa oo kasoo laabatay natiijo 2-1 ah islamarkaana ku badisay 4-2.

Inkastoo uu ku dhashay Bissau, Danilo ayaa doortay inuu u ciyaaro Portugal madaama ay halkaas u guureen qoyskiisa.

Wuxuu u saxiixay kooxda Porto sannadkii 2015, isagoo bandhig cajiib ah heysta tan iyo markaas, Waxa uu sidoo kale ka qeyb ka ahaa xulkii Portugal ee Euro 2016 ku guuleystay sannadkii hore.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee daafaca leh ayaa 16 kulan u saftay xulka Portugal, waxaana uu xirfadiisa kasoo bilaabay Benfica halkaasoo uu kaga gudbay kooxda FC Porto.

Indhoindheeyayaal ka socday kooxda Gunners ayaa soo bandhigay qiimo £34.5 milyan in ay kula wareegayaan ciyaaryahanka sida uu sheegay wargeyska A Bola ee kasoo baxa dalka Portugal.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/iska-ilow-granit-xhaka-coquelin-arsenal-oo-34-5-kula-soo-wareegeysa-burburiye-caalami-ah/">Iska Ilow Granit Xhaka & Coquelin- Arsenal oo £34.5 Kula soo Wareegeysa Burburiye Caalami ah</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *