<

Home » Suuqa Kala Iibsiga » Iska ilaaw Morata: Xanaaqii Aguero kursiga keydka kadib, Chelsea oo bedelka D.Costa u aragta inuu ku haboon yahay Sergio Aguero, imise ay ku qaadan doontaa?

Iska ilaaw Morata: Xanaaqii Aguero kursiga keydka kadib, Chelsea oo bedelka D.Costa u aragta inuu ku haboon yahay Sergio Aguero, imise ay ku qaadan doontaa?

Kooxda Chelsea ayaa hadda kusoo biirtay xiisaha loo qabo weeraryahanka naadiga Manchester City ku dhibaatoonaya  ee Sergio Aguero, iyadoona dooneysa inay soo qaadato laacibkan awooda buuxda leh.

Xiddiga heerka caalami ee qaranka Argantinia ayaa mustaqbalkiisa kooxda Pep Guardiola waxaa soo galay shaki weyn kadib markii loo diray kursiga keydka ciyaartii ugu danbeysay.

Sida uu soo warinayo wargeyska Sunday Mirror, ayaa sheegaya in ciyaaryahankii hore ee Atletico Madrid ay ka go’antahay inuu gabi ahaanba uu faarujiyo albaabka garoonka Etihad Stadium, oo uu u arko inuusan fursad uga sii banaaneyn.

Kooxda tababare Antonio Conte ee Chelsea ayaa rajeyneysa inay kusoo qaadato ciyaaryahankan Aguero, aduun lacageed dhan £75 million.

Sergio Aguero, ayaana baqdin badan ka muujiyay imaanshaha weeraryahanka d’dayar ee xulka Brazil Gabriel Jesus, oo loo gacan galiyay kulankiisii ugu horeeyay, waxa uuna booska kala baxay Aguero, Jesus ayaana dhaliyay gool isagoona caawiye ka ahaa gool kale ciyaartii ay 4-0 kaga adkaadeen West Ham.

Blues waxa ay damacsan tahay inay bedel kaga dhigto D.Costa oo shaki ku jiro sii joogitaankiisa Stamford Bridge, kaasoo looga gacan haatinayo horyaalka Shiinaha.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/iska-ilaaw-morata-xanaaqii-aguero-kursiga-keydka-kadib-chelsea-oo-bedelka-d-costa-inuu-ku-haboon-yahay-sergio-aguero-oo-kooxda-man-city-oo-aanan-wali-hadlin-arintaas/">Iska ilaaw Morata: Xanaaqii Aguero kursiga keydka kadib, Chelsea oo bedelka D.Costa u aragta inuu ku haboon yahay Sergio Aguero, imise ay ku qaadan doontaa?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *