<

Home » Horyaalada » Premier League » Iska ilaaw Mesut Ozil, Cesc Fabregas oo noqday boqorka caawiyaha, iyo isbar-bar dhiga labadaan ciyaaryahan

Iska ilaaw Mesut Ozil, Cesc Fabregas oo noqday boqorka caawiyaha, iyo isbar-bar dhiga labadaan ciyaaryahan

Inta aadan ku dhawaaqin oo aadan hedhin Mesut Ozil waa boqorka caawiyaha, waxaa ka fikirtaa inuu jiro xiddig isaga kaga fiican dhanka caawinaad, kagana maskax badan marka laga hadlayo kubadaha loo dusiyo ciyaaryahanada kale ee la ciyaareysa.

Laakiin waxaa jira laacib kaga sareeya arintaas ciyaaryahanka Arsenal, waana xiddigii hore ee Arsenal haddana ka tirsan kooxda hogaanka Ingiriiska heysa ee Chelsea, Cesc Fabregas kaasoo haatan loo caleema saaray  boqorka caawinaada.

Intii lagu guda jiray  ciyaartii ay Blues kaga 2_0 naadiga Hull City, waxa Cesc caawiye ka ahaa goolkii Chelsea hogaanka ku dheereysatay, waxaana dhaliyay goolkaas daafaceeda Gary Cahill lagu magacabo.

Inkastoo ay wali kulamo badan ay ka haran yihiin horyaalka hadana, Fabregas ayaa waxa uu noqonayaa mid kamida xiddigaha ugu caawinta badan horyaalka Egland.

Waxaana ka badan kaliya  Ryan Giggs oo caawiyay (162) iyo Frank Lampard oo isna caawiye ka ahaa (102), Cesc Fabregas ayaa isna ku lug lahaaday (101), waana heer lamida kan W. Rooney uu taagan yahay, inkastoo ay labadaan ciyaaryahan ay wali ciyaaraan kubadda cagta.

isbarbardhiga labada ciyaaryahan:-

  • Cesc Fabregas 79%

  •  Mesut Ozil  21%

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/iska-ilaaw-mesut-ozil-cesc-fabregas-oo-noqday-boqorka-caawiyaha-iyo-isbar-bar-dhiga-labadaan-ciyaaryahan/">Iska ilaaw Mesut Ozil, Cesc Fabregas oo noqday boqorka caawiyaha, iyo isbar-bar dhiga labadaan ciyaaryahan</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *