<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » ISKA HILMAAMA BARCELONA: Ozil oo Go’aan ka gaaraya wicitaan kaga yimid Horyaalka France

ISKA HILMAAMA BARCELONA: Ozil oo Go’aan ka gaaraya wicitaan kaga yimid Horyaalka France

Taageerayaasha Arsenal ayaa ugu danbeyn arki kara  Julian Draxler iyo Mesut Ozil oo hal koox kawada ciyaaraya – laakiin ma ahan garoonkooda Emirates.

Saxiixa cusub ee Paris Saint-Germain Draxler ayaa shaaca ka qaaday in xidiga ugu qaalisan kooxda Arsenal uu yahay ciyaaryahanka ugu haboon ee uu France ugu garab ciyaari lahaa.

Mar Draxler ay weydiisay beIn SPORTS ciyaaryahanka uu jeclaan lahaa inuu ku arko PSG, ayu yiri: “waxaan jeclaan lahaa inaan halkan ku arko Mesut Ozil.”

Ozil ayaa haatan heshiiskiisa Arsenal waxaa uga harsan 18 bilood, waxaana kooxda ka dhisan Waqooyiga London ay umuuqataa mid aanan wali xal ka gaarin heshiis kordhintiisa

Kooxda Barcelona ayaa dhanka kale dooneysa ciyaaryahankan heerka caalami ee dalka Germani, iyadoo saxaafada ingiriiska ay qorayaan suurtagalnimada in sidoo kale xidigan uu aado Bayern Munich

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaanan hubin mustaqbalkiisa Emirates, Ozil ayaana dhawaan sheegay in go’aankiisa kooxda uu ku xiran yahay heshiiska tababaraha.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/iska-hilmaama-barcelona-ozil-oo-goaan-ka-gaaraya-wicitaan-kaga-yimid-horyaalka-france/">ISKA HILMAAMA BARCELONA: Ozil oo Go’aan ka gaaraya wicitaan kaga yimid Horyaalka France</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *